Uncategorized

Hooyo Naxariis laheen oo Cunug ay Dhashay Kasoo Tuurtay Biyaanada 9-aad “Qiso Naxdin Badan”

iftineducation.com – Hooyo u dhalatay dalka Ruushka ayaa cunug ay dhashay waxey kasoo tuurtay biyaanada 9 ay dabaqa ay daganeed,iyadoo arintaasi ay aad uga yaabeen dhamaan dadkii arkay ama maqlay maadaama hooyo aan waxaas iyo wax la mid ah aan laga fileyn.

Wakaalada wararka Dalka Ruushka ayaa sheegtay in hooyadaan ay aheyd mid mudooyinkii dambeeyay uu soo wajahay dhibaatooyin aad u badan oo xagga nolosha ah, iyadoona la sheegay dhibaatada heysatay ay aad ula murugeysneed.

hooyadaan ayaa la sheegay inay u yimaadeen labo askari oo ka mida ciidamada ku shaqada leh inay ilaaliyaan lana socdaan xaalada caruurta, waxaana la sheegay in hooyadeed ay usoo dirtay in cunuga gabadheeda looga war hayo.

Booliska ayaa sheegay in markii ay yimaadeen guriga ay la kulmeen hooyadaan oo aad u murgsan waxeyna bilaabeen iney waydiiyaan xaaladeeda iyo tan cunugeeda yar sida ay tahay , balse intii ay sheekada socotay ayey hooyadaan waxey soo xambaarsatay cunugeedii waxeyna si lama filaan ah uga tuurtay daqaada “Dariishada” oo u dhaweed halka ay ku sheekeysanaayeen oo aheed biyaanada 9-aad .

Durba mid ka mid ah askartii ayaa bilaabay inuu hoos u cararo si uu cunuga yar gurmad ugu fidiyo, laakiin inta uu hawada kusoo jiray ayaaba la sheegay inay nafta ka baxday , waxaana askarigii kale uu durba qabtay hooyadii dhashay cunuga waxaana haatan lagu hayaa xasbiga ku yaala magaalada Zian ee wadanka Ruushka






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com