Uncategorized

Dhaqaatiirta Dalka Mareykanka oo ku arkay arin la yaab leh oo waxay ku macneeyaan garan waayay iyo Arintaas oo yaab iyo amakaag Noqotay

iftineducation.com – Dhaqaatiirta dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay ku noqotey yaab iyo amakaag iyo arin ku ciusub oo meel ay saaraan ay waayeen ka dib markii gabar ku nool dalkaas ay ku arkeen arin la yaab leh oo waxay ku macneeyaan ay garan waayeen.

Gabadhaan oo lagu magacaabo Ashlyn Blocker oo 12 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inay taqaatiirta dalkaas kaga yaabsatey ka dib markii ay gabadhaas aysan dareemeyn wax xanuun ah iyadoo jug kasta ama dhaawac walba oo soo gaaro gabadhaas aysan dareemeyn wax xanuun ah ilaa ay aragto dhiig ama dhaawac ka muuqdo korkeed arintaas oo ay dhaqaatiirtu ay la yaabeen sida ay ku dhacday, gabahdaan yar oo ay waalidiinta dhaleen ay sheegeen ilaa iyo markii ay dhalateyba inaysan la hayn wax oohin ah marka ay gaajooto ama marka uu maqaarku xanuuno ayaa arintaas ay yaab ku noqtey waalidiinta dhashay gabadhaas, laakiin markii ay dhaqaatiirtu ogaadeen inaysan gabadhaan wax dareen oo dhaawaca ama xanuunka ah ayssan lahayn ayaa waalidiinta dhashay gabadhaasi ay arintaas ku noqotey mid ku heysa wel wel weyn ayagoona sheegay inay arintaas u dhiman karto gabadhooda, iyadoona ay gabadhaan dhowr jeer ay jirkeed u geysatey dhaawacyo halis ah oo aan iyada ku heynin wax xanuun ah haba yaraatee.

Ugu dambeyntiina iyadoo waalidiinta gabadhaas ay wel wel weyn ka qabaan xaalada ay ku sugan tahay gabadhooda ayaa waxay dhaqaatiirta baareysay xaalada caafimaad ee gabadhaas waxay ku sheegeen inay qabto gabadhaas cudur lagu magacaabo CIPA (congenital insensitivity to pain with anhidrosis) oo ah cudur dhaawaca oo jaahwareer galiya hab isu socodka xiririirya xarunta dareemayaasha qofka taas oo keenta inuusan qofku waxba dareemin oo xanuun kasta oo ku dhaca uusan dareemeyn, baarayaasha Jaamacada Florida oo baaritaan kuwaday caafimaadka gabadhaas ilaa iyo sanadkii 2004 ayaa un dhawaantaan waxay ku guuleysteen inay helaan xididada dhaawacan ee hor istaaga ku sameynaayo inay maskaxdu ka jawaabto dareenka xanuunka, Laakiin maadaama ay arintaas bilow u tahay in cudurkaas daawo loo helo ayeysan gabadhaan wali heysandaawo ku saabsan cudurkeed iyadoona mar walba halis ugu jirto inay u dhimato dhaawac aysan ogeyn xilli uu soo gaarey.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com