Uncategorized

Dab Baabi’iyay Dhuxul Taalay Dekadda Macmalka Ah Ee Degmada Baraawe

iftineducation.com – Wararka baga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobbolka Shabeellaha
Hoose ayaa soo sheegaya in dab xoggan uu baaba’iyay dhuxul taalay dekada
macmalka ah ee degmada Baraawe.
Dad aad u badan ayaa isugu soo baxay maanta Dekada Baraawe ee uu
dabka ka kacay si ay uga qeyb qaataan daminta dabkaasi ka kacay dekada
Baroowe, waxaana dadka markii dambe ay ku guuleysteen inay damiyaan
dhuxushii uu dabka qabsaday.
Maamulka kooxda Shabaab ee magaalada Baraawey ayaa sidoo kale kaalin
ka qaatay sidii loo damin lahaa dabka qabsaday dhuxusha taalay dekada
Baraawe.
Si dhab ah looma oga waxa sababay in dabkaasi uu ka kaco gudaha
dekedda macmalka ee degmada Baraawe, mana ahan markii ugu horreysay oo
dab noocaan oo kale ah uu ka kacyo dekada Baraawe.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com