Uncategorized

Daawo Muuqaal Ahaan Khudbadihii ay ka jeediyeen Madaxda Sare Munaasabada Caleemasaarka Madaxwaynaha Somaliya

iftineducation.com – Waxaa Saakay Xarunta Iskool Buluuziyo ee Magaalada Muqdisho ka Furmay Xafladii Caleemo saarka Madaxweynaha Jahmuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud .

Xaflada ayaa ah mid si aad ah loo soo agaasimay waxaana ka qeyb galaya Madax sar sare oo kasocota qaar kamid ah Wadamada Saaxiibnka la ah Soomaaliya iyo wafuud kale oo iyana kasocda Dalalka Caalamka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbad ka jeediyay munaasabada caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya isagoona ku wareejiyay Xilka Madaxwaynaha Cusub ee Somalia.



Sidoo kale Waa Goobta Iyana Ka hadlay Madaxweynaha Jabuuti mudane Ismaaciil Cuamar Geelle oo ku Dhawaajiyay Hadalo Qiiro leh oo Dhamaan Shacabka Soomaliyeed Qiiro galiyay Wuxuun Aad u Amaanay Dowladii uu Hogaaminayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.





Dhanka kale Waxaa hadlay Ra’isul wasaaaraha Itoobiya Hailemariam Desilgn Wuxuuna Sheegay In aad ugu Faraxsanyahay in uu Maanta Soo gaaro Magaalada Muqdisho oo Amaan ah waana Markii igu oo Soo gaaro ra’isul wasaaaraha Itoobiya Hailemariam Desilgn Magaalada Muqdisho Tan iyo Markii uu qabtay Xilka ra’isul wasaaaranimo





Ugu Danbayntii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi u ah shacabka Soomaaliyeed maadaama mudo ka badan 40 sano lagu doortay dalka gudahiisa Madaxweyne ay yeelato Jamhuuriyadda Soomaaliya.





Prof Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo maanta ay dhaceysay caleemasaarkiisa ayaa ka hadlay gabagabada goobta ay ka socotay munaasabada waxa uuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay u tahay maalin weyn maadaama dalka ay ka dhacday doorasho xor ah.









____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com