Uncategorized

Amin Arts oo Sawir cajiib ah kasameeyay Shirqoolka uu maleegayo Shariif Xasan Sheekh Aadan(Daawo Sawirka)

iftineducation.com – Kartooniistaha Caanka ah ee AMin Caamir ayaa dhankiiisa Sawir ku muujiyay Shirqool la sheegay in ay Maleegayana Dowlada Kenya iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ku fashilmay in uu isku soo sharxo jagada Madaxweyne.

Shariif Xasan waxa uu Kenya kulamo kula qaatay Madaxad sare ee Dalkaasi waxa ayna kawada hadleen sidii loo boobi lahaa Qeyraadka Badda Soomaaliya si taasi u ugu fududaatana Shariif Xasan Kenya ka dalbatay in C/Wali Gaas uu codadka Xubnaha Baarlamanaka ee isaga taageersan ugu shubo si madaxweyne u noqdo.

Kenay ayaa horey ugu fashilantay in ay Badda Soomaaliya been been kula wareegto hasa ahaatee hada waxaa mar kale damac kasoo galay in Badda Soomaaliya la wareegaan taa badalkeedana Kenay ay wado Qorsho Shariif gacan ka geesanayo oo Cabdi Wali Gasa Dalka Madax looga dhigayo si uu u saxiixo Heshiiska Badda Soomaaliya ee dooneyso Kenya.

Sawirka Amin Arts soo sawiray ayaa muujinaya in Shariif Xasan ku gor gortamayo in uu diyaar u yahay in uu wareejiyo codadkiisa hadii lasiinayo lacag iyo Wasiirka Maaliyada oo uga dhagtay aadna uu u jecelyahay si akoonkiisa lacagta ku dhaceyso usii kororto.

Kenya ayaa horey ugu fashilantay in Badda Soomaaliya la wareegto hasa ahaatee waxaa lasaadaalinayaa in ay fududaaneeso la wareegida Badda hadii uu Dalka Madaxweyne kanoqdo C/Wali Gaas ama nin kale oo caado qaate ah.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com