Uncategorized

Al-Shabaab oo war deg deg ah kasoo saaray Xaaladda Magaaladda Kismaay

Ali Dheere
iftineducation.com – Afhayeen kooxda Shabaab ayaa goordhow war kasoo saaray xaaladda
Magaaladda Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose halkaas oo ay xalay
gudaha ugaleen ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom iminka uu halkaas
dagaal xoogan kasoconaayo. C/Casiis Abuu Muscab ayaa sheeay in aysan jirin wararka sheegaya in
ciidamada kenya ay gudaha ugaleen magaaladda, laakiin ay jirto duqeyn
diyaaradeed.
“ma jiraan warka gaalada ee ah inay magaalada qabsadeen, waxaana
ciidamadeena ay kusugan yihiin difaacyada”ayuuu sheegay Afhayeenka
Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu shacabka ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan
dagaalka oo uu ku sheegay jihaad udhaxeeya Muslim iyo Gaalo sida uu
hadalka udhigay.
Dhanka kale Waxaa uu sheegay in diyarado dagaal iyo maraakiib ay
duqeyn ku hayaan magaaladda ayna diyaariyeen ciidamadii iska celi lahaa
duqeyntaas.
Idaacada ku hadasha Afka Shabaab ayaa haatan tabinaysa hadalada
Shabaab ay dadka ugu baaqayaan in ay ka qeyb qaataan dagaalka, sidoo
kale waxaa ay sii daynayaan aayado quraan ah iyo daraasiin diini ah.
Hadalka Shabaab ayaa kusoo aadaya xili Militeriga dalka Kenya iyo
kuwa dowlada Soomaaliya ay gudaha ugaleen magaaladda, qeybo kamid ahna
ay ka soconayaan duqeyn xooggan.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com