Uncategorized

Al-Shabaab oo gabi ahaan ka baxday Kismaayo iyo Boob Xoogan oo saakay kasoconaya(Daawo Sawirada)

iftineducation.com – Wararka
naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose
ayaa sheegaya in Xalay Al-Shababa gabi ahaan ka baxeen Magaalada
Kismaayo oo aheed magaaladii ugu muhiimsaneed ee gacanta hada ku
hayeen.

Wararku waxa sheegayaan Saakay Magaaladaasi tahay Maamul la’aan
Askarigii ugu Dambeeyay oo Shabaab katirsana xalay uu ka baxay
Magaaladaasi ,iyagoona horey usii qaatay agabkoodii ,sida dad goob
joogayaal ah ku warameen.

Waxaa sidoo kale hawada ka maqan Idaacadii Al-Andulus oo shalay oo dhan
si toos ah u tabineysay Dagaalada kasoconayay Magaalada Kismaayo iyo
Duleedka Magaaladaasi.

Saakay Waxaa boob xoogan ka soconayaan qeybo kamid ah Magaalada Kismaayo
gaar ahaan waxaa la boobayaa Xafiisyadii iyo Xarumihii Al-Shabaab
,waxaana boobkaasi geesanaya dadka Shacabka ee ku dhaqan Magaaladaasi.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya wali si rasmi ah uma soo galin
Magaalada waxaana la filayaa in saacadaha soo aadan Ciidamu isku
fidiyaan gudahana u galaan Magaalada Kismaayo oo hada ah mid haawaneysa.




















____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com