Uncategorized

Aabe Soomaaliyeed oo Duco Dalbaday kadib markii ay Gabdhiisa dawcad ku furtay kana Baqaya in lagala wareego..

iftineducation.com – Boqolaal qof oo Soomaaliyeed oo ku tukanayay salaadda maqrib shalayto
ayaa markaliya ka wada subxaanaleystey kadib markii wadaadada masaajidka
midkood uu weeydiistey jamaacada in ay u duceeyaan aabo Soomaaliyeed oo
gabadhiisa dowladda kala wareegeyso.



Waxaa la sheegey in gabadha ay oo 17 jir ah, islamarkaasina dhigata
fasalka 9aad ee dugsiga hoose dhexe ay dacwad ka furtey aabaheed oo xaas
kale oo aan hooyadeed ahayn ay wada joogaan.




Waxa galka dacwada ku qoran in gabadha guriga lagu dilo, lagu ciqaabo, lagu gaajeeyo, islamarkaasina aysan helin wax daryeel ah.




Mar aan booqanay guriga Qoyska ayaa la kulanay gabadhii iyo reerkii oo
la dhexdhexaadinayo, waanwaantiina dhinac ka gashay, waxaana lagu
guuleystey in si nabad ah guri kale oo qaraabo ah loo geeyo gabadha,
lalana hadlo hooyadeed oo Yurub ku nool taasoo ay gabadha dalbanayso in
loo geeyo.




shalay oo isniin ahayd wax xafiis dowladeed ma uusan shaqaynaynin
maadaamaa ay feesto ahayd, lamana oga waxa dhici doona Maanta oo talaado
ah, aabuhana dacwad ka furantahay, balse waxay u muuqatay in xaaladu
degtey.




Aabaha gabadha dhalay ayaa noo sheegey in gabadha uu soo korsaday,
islamarkaasina uu waligiis daryeeli jirey, islamarkaasina ay xaafadda
joogaan labbo ilmo kale oo ay isku bah yihiin kuwaasoo aanan wax cabasho
ah qabin.




Gabadha ayaa dhankeeda sheegeysa in maadaamaa aysan hooyadeed joogin guriga lagu dhibaateeyo.




Arrintani ayaa si weyn oga nixisey waalidiinta Soomaaliyeed ee
Johannesburg, kuwaasoo ku baraarugey arrintani naxdinta leh haddii ay
dhacdo in dowladdo ilmaha la wareegto.




Xigasho Xogmaal.net

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com