Uncategorized

Waraabe Malagiisa galay oo Libaaxyo baahan raadsaday & Warabihii oo qudhiisa lagu qadeeyay (Daawo Muuqaal )

iftineducation.com – Fal la yaab leh oo ku cusub dadka Somaaliyeed oo ay ku kaceen dadka ku nool magaalada Kismaayo ayaa waxaa la sheegay inuu abuurey muran iyo qilaaf weyn oo u dhexeeya dadka iyo culimada Soomaaliyeed iyo arintaasna ay dhalisay jaah wareer weyn iyo cida saxa ee la raaco.

Dadka reer Kismaayo oo sida la sheegay bilaabay waayadaan inay cunaan hilibka waraabaha ka dib markii maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee ka taliya magaaladaas ay u fasaxeen dadka inuu hilibka waraabuhu yahay xalaal ayaa waxaa bilaabmay in magaaladaas suuqyadeeda iyo maqaayadaheedaba lagu iibiyo hilibka waraabaha, arintaas oo keentay inay dad badan oo Soomaaliyeed ay yaab ku noqotey , maadaama ay tahay mid ku cusb dadka Soomaaliyeed arintaas, Hilibkaas waraabaha ayaa waxaa hada si caadi ah loogu iibiyaa suuqa iyadoona lagu iibiyo ilaa iyo 5 dollar kiiladaii hilibka waraabaha taas oo ka dhigeysa mid si aad iyo aad ah uga qaalisan hilibka kale ee caadiga ah, sidoo kale ayaa subagiisa waxaa la siiyaa ilaa 10 dolar, Laakiina rinta ay dad badan oo Soomaali ah ay is weydiinayaan ayaa waxaa ay tahay ma xalaalbaa mise waa xaaraan cunitaanka hilibka waraaba? iyadoo markasta oo uu qof maqla in hilib waraabe ayaa la cunay ay ku noqoneyso wax la yaab ah oo uusan aqbali karin.

Ugu dambeyntiina iyadoo run ahaantii ay arintaas tahay mid ku cusub dhamaan dadka Soomaaliyeed ayaa hadana waxaa ay culumadu ay isku qilaafsan yihiin inuu xalaal yahay hilibka waraabuhu iyo in kale iyadoona culumo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu sheegay inuu hilibkaas xalaal yahay oo ay banaan tahay cunitaankiisa halka Sheekh Maxamuud Aw-Cabdulle Cariif uuu arintaas ku tilmaamay mid xaaraan ah oo aan haba yaraatee sinaba loo cuni karin hilibkaas waraabaha, sidoo kale ayaa waxaa arintaas ka hor yimid culumo kale oo dalka gudhiisa iyo dibadiisaba ku kala nool, Laakiin su’aashu waxay tahay yaa la raacaa hadii cukumadii waaweyneyd ay sidaas isu qilaafsan yihiin, Laakiinse si kasta oo ay ahaataba mar walba hilib waraabe ma ahan wax ay dad badan jecleysan doonaan inay cunaan.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com