Uncategorized

War Deg Deg Ah Wareegii Labaad ee Doorashada Gudoomiye Ku xigeenka 1-aad oo soo Dhamaatay yaa haray yaasa guuleestay

iftineducation.com – Waxaa Goordhaw soo dhamaatay Wareegii labaad ee Doorashada Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaan Soomaaliya ay iskugu soo hareen ilaa 4-Musharax oo kasoo gudbiyay Wareegii hore ee Doorashada.

Gudiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goordhaw Shaaca ka qaaday sida ay codadka u kala heleen afarta Musharax ee ku tartameysay Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Codadka ayaa look ala helay sida tan

1)Cabdi Wali Ibaarhin Muudey 58 Cod
2)Jeylaani Nuur Iikar 91-Cod
3)Bashiir Maxamed Jaamac 30-Cod
4)Maxamed Cabdi Xayir Maareeye 30-Cod

Waxaa isku soo haray Wareega Sadaxaad Cabdi Wali Muudey iyo Jeylaani Nuur Iikar oo iyaga ku tartami doono wareega ugu dambeeya ee Doorashada kadib markii la waayay labadooda nin tanaasula.

Wareegan ayaana noqon doona midka ugu dambeeya waxaana lagu kala guuleesan doonaa hal dheere ,waxaana hada la hadal hayaa in Jeylaani Nuur Iikar uu noqon doono ninka kusoo baxa Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamanaka sida saadaasha hordhaca ah laga bixiyay.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com