Uncategorized

War Deg Deg Ah Doorashada Gudoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka oo bilowday(Aqriso Magacyada tartamayaasha)

iftineducation.com – Waxaa hada bilowday Doorashada Gudoomiyaha Koowaad ee Baarlamanaka Soomaaliya kaa ay u tartamnayaan Xildhibaano gaaraya ilaa 9-Musharax ,Xildhibaanada ayaana loo yeerayaa si ay codkooda u dhiibtaan.

Waxaana hada Xildhibaanada bilaabeen Doorashada Gudoomiyaha Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya iyadoona xiligan aan la saadalain Karin cida ku guuleesan karta Gudoomiyaha koowaad ee Baarlamaanka.

Raga ugu cad cad horeyn usoo qabtay xilkaan Gudoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa kamid ah Prof Maxamed Cumar Dalxa iyo Cabdi Wali Sheekh Muudey oo labadaba Baarlamanadii ugu dambeeyay ka ahaa Gudoomiye kuxigeeno.


Xubnaha u tartamaya Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ayaa kala ah.

1)Cawli Ibaarhin Muudey
2)C/dalla Boos Axmed
3)Maxad Cali Xagaa
4) Tahliil Cabdi Maxamed
5)Bashiir Maxamed Jaamac
6) Siciid Maxamed Cali
7)Prof. Maxamed Cumar Dalxa
8) Jeylaani Nuur Iikar
9) Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Waxaana idin soo gudbin doonaa Sida ay codadka u kala helaana Musharixiinta iyo waxii kasoo kordha Doorashada Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya hadii rabi qadaro.
____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com