Uncategorized

Qoys Soomaali ah oo la cunsuriyeeyey oo Boqolaal Shacab ah u soo gurmaday islamarkaana u muujiyay..(Daawo Muuqaal ahaan)

iftineducation.com – Qoys Soomaali ah oo lagu cunsuriyeeyey dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay dadka degaanku u soo gurmadeen islamarkaana ay u muujiyeen taageeradooda iyo sida ay uga xun yihiin habka loola dhaqmay iyo midab kala sooco iyo naceybka loo geystey qoyskaas Soomaalida ah ee ku nool halkaas.

Soomaalidaan oo ah qaxooti ku nool magaalada Concord, New Hampshire ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay dhawaantaan ay gidaarka ama darbiga guriga ay kaga nool yihiin magaaladaas ay ku qoreen qolyaha cunsuriyiinta ah erayo naceyb, caay iyo aflagaado ah oo qoyskaas loogu sheegaayo inaan looga baahneyn inay ku noolaadaan magaaladaas, Laakiin dadka degaanka ayaa waxaa la sheegay inay arintaas ka xumaadeen iyagoona isugu soo ururey guriga reerkaas Soomaalida ah islamarkaana u muujiyey taageeradooda iyo sida ay uga xun yihiin falkaas naceybka ah ee lagula dhaqmay qoyskaas Soomaalida, Goobtaas oo uu ka hadlay sidoo kale gudoomiyaha magaaladaas John Lynch ayaa waxaa uu u sheegay Soonaalidaas inuu ka xun yahay waxa dhacay islamarkaana aan loo dul qaadan karin asagoona sidoo kale u sheegay Soomaalidaas inay yihiin kuwa ka tirsan bulshadaas oo aan la faquuqi karin.

Ugu dambeyntiina iyadoo Soomaalidaas ay soo dhaweeyeen dhawaaqaas ka soo yeeray dadka degaanka ayaa waxay sidoo kale ay sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay dadka deegaank aysan la qabin fikradaas qaldan ee ay wataan qaar ka mid ah bulshada ay ku dhex nool yihiin, dadka Soomaalida ayaa waxay inta badan la kulmaan naceyb iyo xumaan dadka ay ku dhex nool yihiin maadaama ay dadkaas inta badan yihiin kuwo dhaqan iyo diin iyo midab ay kala duwan yihiin dadka Soomaalida ah ee qaxootiga ku ah wadamadooda

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com