Uncategorized

Mid kamid ah Fanaaniinta ugu weyn uguna Caansan Soomaaliya oo kamid noqotay Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya

iftineducation.com – Fanaanada Weyn ee Soomaaliyeed sida aadka ahna loo jecelyahay Saado Cali Warsame ayaa kamid noqotay Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ka kooban 275-ta Xildhibaan.
Fananada Saado Cali Warsame ayaa kamid ah xubnaha magacooda looga dhawaaqay Munaasabadii lagu dharainayay Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya, inkastoo ay xusid mudan tahay in Saado aysan goob joog aheyn kulanka dharainta balse kamid noqotay Baarlamaanka Cusub Magaceedana lagu dhawaaaqay.
Saado Cali Wrasame ayaa ah fanaanad weyn oo si aad ah loo jecelyahay waxa ayna dhawaan 20-Sano kadib kusoo laabatay Soomaaliya ,inkastoo maalinkii ay timid dalka Shil gaari ku gashay Magaalada Garawe ee Xarunta Maamulka Puntland.
Saado Cali ayaana sida qorshaah ahaa waxa ay kamid aheed Xubnihii ansixinta Dastuurka inkastoo aysan u suurtoobin xiligaasna ay ku jirtay xaalad dhaawac ah.
Fananada Saado Cali Warsame ayaana kamid ah Xubnaha matalaya Baarlamanaka Deegaanka Khaatumo State gaar ahaan Beesha Dhulbahante,waxa asidoo kale Xubnaha Caanka ah ee Khaatumo matalaya kamid ah Prof Cali Khaliig Galeyr oo horey usoo noqday Raizul Wasaaraha Soomaaliya.





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com