Uncategorized

Hillary Clinton oo dheel Niiko African ah kaga yaabsatay Shacab u dhashay dalka South Africa (Daawo Muuqaal+Warbixin)

iftineducation.com – Hillary Rodham Clinton oo ah Haweeneeyda u qaabilsan dalka Mareeykanka Arimaha Dibada ayaa Dheel Niiko Africaan ah waxeey kaga yaabsatay Shacab reer South Africa ah oo Xaflad dhiganayay.

Hillary Clinton ayaa sidoo kale booqatay magaalada Qunu oo uu ku sugan yahay Madaxweeynihii hore ee dalka South Africa Mr.Nelson Mandela oo iminka noqday 94-jir. Warbaahinta Caalamka intooda badan waxaa laga daawanayay Hillary Rodham Clinton oo si cajiib ah ula dheeleeysa Haween u dhashay dalka South Africa kuwaas oo Xaflad ku soo dhaweeyay.

Hillary Clinton waxeey booqotay dalal ku yaal Qaarada Africa gaar ahaan Wadamada kala ah Senegal,Uganda,South Sudan,Malawi iyo Kenya waxaana iminka sugaya dalalka Benin & Nigeria. Hillary Clinton oo dhoor maalmood ku sugnaan doonto dalka South Africa waxaa lagu wadaa Safarkeeda Qaarada Africa inay ku soo gaba gabeeyn doonto dalka Ghana oo ay kaga qeeyb gali doonto Tacsida Madaxweeynihii dalka Ghana Mr.John Evans Atta Mills oo bishii Juulay geeriyooday.









____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com