Uncategorized

Gabar Maalin Kasta Cabta 50-Litir Oo Biyo Ah Iyo Dhakhaatiirta Oo Xaaladeeda La Wareersan yaab (Daawo Sawirada).

iftineducation.com – Sida ay ku warantay jariirada “Daily ExPress” cadadkeedi salaasadii soo baxay, gabadhan dhalinyarada ah oo lagu magacaabo, Sasha Kennedy, oo ah hooyo laba carruur ah leh, waxa ay biyo cabistan qayra caadiga ah bilowday markii da’deedu ahayd, sadex jirka taas oo waalidkeed ku abuurtay cabsi iyo warwar, ka dibna ay deg deg dhakhtar u geeyeen, laakiin baadhitaan badan ka dib waxa la ogaaday in aanay dhibaato caafimaad jirin, caafimaadkeeduna aad u wanaagsan yahay.
Hooyada dhashay haweenaydan ayaa jariirada u sheegtay in gabadheedu markii ay jirtay, 13-sanadood ay bilowday in maalin kasta ay cabto, shan iyo toban litir oo biyo ah, ka dibna waxa ay qiyaastaas sii laban laabtay marba markii ka danbaysay ee da’deedu korodhay, ilaa heer ay gaadhay in boqol litir oo biyo ah, ay maalin kasta cabi karto.
Gabadhan ayaa shaqadeedi uga tagtay biyaha faraha badan ee ay goor kasta cabayso, sababtoo ah, waxa ay la dhib mudatay, biyaha ay u baahan tahay iyo isticmaalka musqusha oo noqday kuwo goobihii ay ka shaqaynaysay u dul qaadan kari waayeen.
Gabadhan ayaa sheegtay in mar walba nafteedu ka fikirto biyo, baahida biyuhuna aanay il bidhiqsi maskaxdeeda ka bixin, oo ay uga war warto si aan la malayn karin, sidoo kale waxa ay sheegtay in dhibaatadaas iyo walaaca biyaha ka haystaa aanay xitaa hurdada kaga hadhin, wakhtiyo badana ay habeenkii hurdada uga soo kacdo baahi biyood.
Sida ay ku warantay Sasha habeenkii saacad iyo shan iyo toban daqiiqo ka badan ma hurdi karto, sababtoo ah, waxa ay la toostaa haraad aan la qiyaasi karin heerkiisa haddii toban daqiiqadood ay dhaafto saacada iyo rubuca caadiga u ah.
Dhakhaatiirta ayaa xaalada gabadhan ku tilmaamay arrin ka yaabisay, oo aanay ilaa wali jawaab kama danbays ah u helin, sababtoo ah, caafimaadkeedu waa taam, dhibaato kalana kama cabanayso, baadhitaano kala duwan oo lagu sameeyayna waxay dhamaantood muujiyeen, bad qabkeeda iyo inay xanuun oo dhan ka fayowdahay, hasa yeeshee waxa ay tilmaameen in la odhan karo, waa wax sida balwada oo kale ay la ibtilowday oo ka baxsan heerka caadiga ah ee aadamaha.

Daawo.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com