Uncategorized

Dowlada Britain oo Soo Saartay Sharci Cusub oo Niyad Jab wayn ku ah Shacabka Soomalaiyeed ee Doonaya Nolosha Dalka Britain

iftineducation.com – Dowlada Britain ama Boqortooyada ingiriiska ayaa Soo Saartay Sharci Cusub oo ku saabsan Arimaha Qooska Kadib Markii ay Waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha soo Saartay In Wixii Laga Bilaabo 09 July 2012 Laga doonayo Ruuxii u Dacwonaya Xaaskiisa Ama Saygeeda in Laga doonayo In Mushaar ahaan uu Qaato Qarash Dhan £18000 Sanadkii Taasoo u dhiganta In Bishii uu Qaato Lacag Dhan £1500 Waana Hadii ay Wada Yihiin Laba Qof oo kaliya .

Sidoo kale Waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee Dowlada Britain ama Boqortooyada ingiriiska ayaa ku soo dartay Arintaas In Qooska hadii ay Leeyihiin Hal Caruur Laga Doonayo qofkii in Mushaar ahaan Soo gasho Sanadkii Qarash Dhan £22,400 oo u dhiganta bishii in uu Shaqeeyo £1866.66 hadii uu leeyahay In ka badan Hal caruur ah uu Mushaarkaas ku daro Lacag dhan £2400 Bishii .

Sharcigaan ayaa qabanay Dadka Aan ahayn Yurub Maadaama dalalka Yurub ayLeeyihiin Shuruuc u dagan oo Ah qofkii Rer Yurub ah in uu Bilaa fiiso ku Imaanka Kara Dalka kastra oo yurub ah ,Laakin sharcigaan ayaa Qabanaya Dhamaan Dalalka kale ee aan Yurubta ahayn oo ay Ka Mid Tahay Dalka Soomaaliya .

Dhanka kale Waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Ayaa soo Saartay In Sanadka Soo socda ee October 2013 Laga Doonayo Qofka Xaraysanaya Daganaasho Dalka Britan ah in uu ku Baaso Imtixaanka loo Yaqaan B1 ee Nolosha Uk Taasoo ah In Luqadda English ah oo ku hadli karo iyo in uu Fahmikaro.

Sidoo kale Arimahaan Qooska ayaa waxaa laga Badalay in Labada ruux ee Wada Nool Hadii Ay Yimaadaan Dalka Britain ama Boqortooyada ingiriiska In laga Doonayo in ay Meel ku wada Noolaan Muddo 5 Sana ah taasoo cadaynaysa In ay wada Noolyihiin Mudadaas Shan Sana ah Waxayna Horay u ahayd In labada Ruux ay wada Nolaadaan Muddo Laba Sana ah Si Loo xaqiiqsado In ay Yihiin Laba Si Daacad ah isku qaba .

Hadii Qofka uu Horay u Soo Galay Ama oo Ku Noolyahya Boqortooyada Uk Kahor 9 July 2012 Waxay cadeesay waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha ee Dalka Britan In aan uu Qabanayn Sharcigaan cusub Kaasoo Soo baxay 09 July 2012 Waxayna ku dhaqmayaan Dadka Ka horeeyay Sharcigaas kii ka Horeeyay Inta uu soo Bixin sharciga Cusub .

Isbadalkaan Dowladda waxay ku dhawaaqay 11 June 2012 Waxyana ka Mid Noqanayaan Isbadaladaam Socdaalka Dowladda Britan ama Boqortooyada ingiriiska Kadib Markii ay sameesay Wada Tashi Balaaran oo ay Ka Qeeb galeen Mujtamaca Qeybihiisa Kala Duwan ee ku Dhaqan Boqortooyada ingiriiska.

Isbadalkaan ay Sameesay Waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Boqortooyada ingiriiska Waxay Niyad Jab wayn ku Tahay Shacabka Soomaaliyeed oo Niyadda ku Hayay In ay ku Noolaan dhul Kamid ah Boqortooyada ingiriiska Laakin arintaan waxaa kasoo Bixi Kara Ruuxii ka soo baxa Sharuudahaas.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com