Uncategorized

Daawo Muuqaal ahaan “Ciyaaryahanada Qaranka Soomaaliya Zamzam oo kaalinta 7-aad ka gashay tartanka orodka 400

iftineducation.com – Ciyaaryahanada Qaranka Soomaaliya u madaleysay Orodka 400 M ayaa duhurnimadii maanta kaalinta ugu liidata ee 7-aad ka gashay tartanka orodada fagaxda ah, kaasoo ay ka soo qeybgaleen Orodyahano gaarayay 6 marka laga reebo Zamzam Maxamed Faarax.


Markii uu bilowday tartanka ayaa Zamzam Kaamirada qaban weyday iyadoo dhowr Miter ka hartay, waxayna noqotay Gabadha ugu liidato ee tartankaasi ka qeyb gasha. Dad badan ayaa sheegay in sababta Zamzam ay u muuqan weyday ay tahay tababar la’aan, muuqaalka jireed ee Zamzam oo aad u yar iyo waaya aragnimada kuwii la tartamayay oo horay ugu qeybgalay tartamo caalami ah.

Dad badan ayaa sheegay in sababta Zamzam ay u muuqan weyday ay tahay tababar la’aan, muuqaalka jireed ee Zamzam oo aad u yar iyo waaya aragnimada kuwii la tartamayay oo horay ugu qeybgalay tartamo caalami ah.
Kaalinta Koowaad ayaa waxaa gashay Francena Mccorory oo ka socotay dalka Mareykanka iyo Christine Ohuruogu oo u ordeysay dalka Britian oo Kaalinta Labaad gashay halka Joy Nakhumicha oo dalka Kenya ah kaalinta Sadaxaad ciriirsatay.
Soomaali badan ayaa guul ku tilmaamay kaalinta ay Zamzam ka gashay tartankaasi oo aheyd kaalinta ugu danbeysa, halka qaar kale ay sheegeen in ay ku fashilmeen Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iney soo xulaan qof tao leh.

Caawa ayaa la sugayaa natiijada kale ee orodyahan Maxamed uu ka keeni doono guusha halka ay gaarsiisan tahay.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com