Uncategorized

Baarlamaanka Cusub oo Maanta Ansixiyay Gudiga Doorashada Gudoonka Baarlamaanka (Aqriso Magacyada Gudigaasi)

iftineducation.com – Waxaa Maanta Xarunta gaadiidka Booliiska ee magaalada Muqdisho kulan iskugu yimid Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya kuwaa oo maanta ka dooday gudiga Doorashada Gudoonka Cusub ee Baarlamaanka.

Xildhibaano gaaraya 184-Xubnood ayaana maanta iskugu yimid Xarunta Booliiska waxa ayna halkaasi ku ansixiyeen Gudiga Doorashada Gudoonka Cusub ee Baarlamaanka oo la filayo in ay dhacdo 26-ka Bishan aan kujirno.

Kulanka Maanta ay yeesheen Xubnaha Baarlamaanka Cusub ayaa waxaa shir gudoominayey Gudoonka ay sida KMG ah xildhibaannadu shalay u doorteen General Muuse Xasan Cabdulle oo fadhigaasi ka aqriyay Magacyada Gudiga Doorashada Gudoonka Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Magacyada Gudigaasi ayaa kala ah.

1)Caasho Xaaji Cilmi————————– (Gudoomiye)
2)Xasan Macalin Xuseen———————–(Gudoomiye-xigeen)
3)Nuur Iidoow Beyle—————————-(Xubin)
4)Maxamed Maxamuud Guure—————–(Xubin)
5)Sahro Jaamac Cali—————————-(Xubin)
6)Ciise Maxamuud——————————(Xubin)
7)Maxamed Ismaaciil—————————(Xubin)
8)Khadiijo Maxamed Diiriye——————–(Xubin)
9)Caadil Sheegoow Sagaar———————(Xubin)
10)Maxamed Warsame————————-(Xubin)
11)Fowsiyo Maxamed Sheekh——————(Xubin)
12)Cismaan Libaax—————————–(Xubin)
13)Sahro C/qaadir——————————(Xubin)
13)Ciise Maxamed Cali————————-(Xubin)
14)Feysal Cumar Guuleed———————-(Xubin)

Gudoonka KMG ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaana kama dambeys ku sheegay in Doorashada Gudoonka Cusub ee Baarlamaanka in ay dhaceyso 26-ka Bishan inta ka horeysana la qaban doono araajida Xubnaha u tartamaya Xilkaasi.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com