Uncategorized

Warda Khan oo Noqotay Fanaanadii Ugu Horeysay oo u Dhalatay Dalka Sacduudiga Oo Gasha Bollywoodka.

iftineducation.com – Fanaanada Warda Khan oo u dhalatay dalka Saudi Arabia ayaa gashay Bollywoodka, iyadoo sidaas ku noqotay fanaanadii ugu horeysay ee Saudi u dhalatay ee ku biirta filimada Bollywoodka, waxayna markii ugu horeysay kasoo muuqatay filim uu soo saare ka yahay Rakesh Kumar, iyadoo filimka ku meteshay gabar Amerikaan ah oo ka timid New York.

Gabadhaan ayaa kasoo jeeda dalka Saudi Arabia, waxayna ku dhalatay sida la sheegay magaalada Jidah, Abeheed waa Saudian halka hooyadeed kaso jeedo Pakistan, laakiin waxey lasoo kortay hooyadeed, eyadoo inta badan ku hadasha luqada Pakistaanka.

Dhinaca kale warda waxa ay ka dhawajisay inay aad ugu faraxsantahay heerka ay gaartay iyadoo ka dhawaajisay in riyadii Abeheed rumeysay maadaama uu ku dhiiri gelin jiray inay heer ka gaarto niyadeeda waxa ay rabto , waxayna ugu dambeyn soo taabatay halkii ay dooneysay.

Waxaa xusid mudan in Warda markii ugu horeysay ay ka bilowday shaqadeeda Model iyo magaalada London ee cariga Ingiriiska, waxayna kasoo muuqatay heeso Hindi ah






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com