Uncategorized

Prabhu Deva – Jilaagii Muqabala oo macalin ciyaar u noqday Sonakshi Sinha +Sawiro

iftineducation.com –  Sonakshi Sinha waxeey Nasiib u yeelatay inay ciyaar ka barato boqorka dheesha ee India.

Jilaagii Humse Hai Muqabala Prabhu Deva oo lagu naaneeso Micheal Jackson ka India ayaa waxuu tababar siinayaa haatan Sonakshi Sinha oo gabadha uu dhalay jilaaga Canjeex ay Soomaalida u taqaano iyadoo Jilaaga Prabhu Deva Oo Bandhig Ka Samey Doona ILP.

Katrina Kaif iyo Sonakshi Oo dagaalkoodu Meel Kulul gaaray. isku diyaarineysa heesta Go Go Govinda ee ku jirta filinka Oh My God oo uu aktar ka yahay jilaaga Akshay Kumar.

Prabhu Deva ayaa waxuu tababar wanaagsan oo dhanka qoobka cayaarta ah si weyn ugu wadyaa Sonakshi si ay wacdaro uga dhigto heestaan soo socota oo ah mid ay ka qeybgalayaan ilaa 400 oo ciyaartyahan iyadoo booyado biyo lagu shubayo lana rakibayo makiinadaha roobka oo kale biyaha cirka uga soo shuba si goobtaas ay u noqoto meel roob ka da’ayo oo ay ciyaar waalana ka socoto.

Sonakshi Sinha ayaa waxey isku diyaarineysa inay filinkaasi ka jisho doorka gabar ciyaarta caan ku ah waxaana ka helayaa Akshay Kumar , waxaana qisada filinka laga sameeyay jilaaga Presh Rawal.


Waxaa tababarkan ka soke uu Prabhu ahaa soo saarahii iyo isku daba ridahii filinkii Rowdy Rathore oo ahaa filinkii kan ka horeeyay ee Akshay iyo Sonakshi kaasoo ahaa mid action ah oo uu Akshay kusoo laabtay maadaama uusan matalin Action mudo 7 sano ah , waxaana la filayaa in filinkaani OMG asigana lala dhaci doono ciyaarta ku jirta maadama uu qeyb ka yahay jilaagan oo ah nin ku caan baxay qoobka cayaarka xiisaha badan.

Sonakshi ayaa waxaa la rajeynayaa inay wax badani oo dhanka ciyaarta ah ka barato macalin Prabhu ayna noqoto qof jaanta si fiican u qaadda oo jilicnadana .

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com