Uncategorized

Masuul Dowlada katirsan oo kashifay xog shacabka kaqarsaneed

iftineducation.com –  Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa ay ka hadleen Hawlgalada maalmihii ugu dambeeyay ka dhacayay gudaha Caasimada magaalada Muqdisho, kaasoo lagu qab-qabanayay boqolaal Shacab ah.

Labadii Isbuuc ee ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho laga fuliyay Hawlgal balaaran oo loogu magac daray Hawlgalkii Nabad Soo Celinta, waxaana Hawlgaladaas uu noqday kuwii ugu xooganaa Muqdisho laga fuliyay.

Dowladda KMG Soomaaliya wali wey ku adkeeysanayaan sii wadista Hawlgalada lagu xaqiijinayo ammaanka degmooyinka Gobolka Banaadir, islamarkaana dafirtay eedeymaha loo jeediyay.

Xildhibaan Daahir Ciirro oo ah mudane ka tirsan Barlamaanka dowladda ayaa waxa uu sheegay in Lacago madax furasho ah laga qaato dadka faraha badan ee lagu qabtay hawlgalada laga fuliyay magalada Muqdisho.
Xildhibaan Ciiro oo isagoo Muqdisho jooga waxa uu madaxda ugu sareeysa dalka ku tilmaamay kuwo ka faa’ideysanaaya Hawlgalada lagu soo qabtay Shacabka Muqdisho, isagoo hoosta ka xariiqay in MASHRUUC cusub ay tahay.

Ugu dambeyntiina Xildhibaan Daahir Ciirro ayaa Taliska sare ee Booliska ugu baaqay in ay ka feejignaadaan Danaha gaarka ah ee lagu fulsanaayo, una naxaan Shacabka ay wakiilka ka yihiin.

AL Shabaab ayaa horey u sheegtay in Lacago 50$ ilaa 200$ laga qaato dadka lagu soo xiro Hawlgalada Muqdisho, inkastoo dowladda KMG ay beenisay dhaliilaha loo jeediyay.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com