Uncategorized

Kismaayo oo Noqotay Johrad Dhextaalla Lix Mas [Fahan Ujeedada Dhabta ah ee Laga Leeyahay Kismaayo]

iftineducation.com – Inta badan gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya waxaa muddooyinkaan ka socday dhaq dhaqaaqyo Ciidan iyo dagaallo u dhexeeya Ciidamada Dowladda oo garabka helaaya Ciidamada waddamada deriska iyo dagaalyahanada Al shabaab.
Magaalada Kismaayo waa magaalo muhiim ah waxayna gundhig u tahay inta badan hawlgalada socda, iyada oo ay sidaasi tahay Kismaayo waxaa maamula Al shabaab oo ka talinaayey sanadahii lasoo dhaafay.
Dowladaha Kenya iyo Ethiopia oo ay Ciidamo ka joogaan Soomaaliya labaduba waxay ku muransan yihiin qabshadaha Kismaayo iyo kan ay Ciidamadiisu qabsan doonaan.
Dowladda Kenya ayaa la sheegay in qorshaynayso qabsashada Kismaayo si meesha looga saaro ka hadalka dhul xeebeedka dalxiiska ku fiican ee ay Kenya ka haysato Soomaaliya sida xeebta Lamue iyo kuwa kale.
Kenya waxay iminka ku hawlan tahay sidii ay deked uga dhisi lahayd mid kamid ah xeebaha ay ka haysato Soomaaliya, haddii ay Kismaayo qabsato waxaa aad u yaraanaaya ka hadalka dhulka ay ka haysato Soomaaliya, taasi bedelkeed waxay dad badani ku mashquulaayaan magaalada Kismaayo.
Sidoo kale Dowladda Ethiopia ayaa iyaduna doonaysa qabsashada Kismaayo si ay u noqoto dekedda koowaad ee ay wax uga soo degaan maadaama Ethiopia aysan lahayn deked ku taalla gudaha dalkeeda.
Marka laga soo tago Dowladaha deriska ayaa waxaa jira khilaafyo u dhexeeya dhinacyada Soomaaliya kuwaasi oo iyana doonaaya in ay keligood la wareegaan magaalada Kismaayo.
Ururka Raaskaambooni waa urur islaami ah, waxaana uu horay uga tirsanaan jiray Ururkii Xisbul Islaam ee gadaal shabaab kaga biiray, xitaa waxaa jirtay mar ay Raaskaambooni ka tirsanayd Al shabaab ka hor inta aysan la midoobin Xisbul Islaam, waxay kamid yihiin dhinacyada u hanqal taagaaya qabsasha Kismaayo.
Sidoo kale waxaa jira garab kamid ah Ciidamada Dowladda oo iminka kusugan degmooyin katirsan gobolka Gedo, waxayna ka amar qaataan Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo berigii Isbahaysiga Dooxada Jubba ka talin jiray Kismaayo, kadib markii dagaal xooggan uga qabsaday Gen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo isna ahaa qab qable dagaal.
Inkastoo Barre Hiiraale ay dhowr mar xirtay Ethiopia hadana taageerayaasha Barre Hiiraale iminka waxay kamid yihiin Ciidamada Dowladda, waxayna gambar gaaban ugu fadhiyaan qabsashada Kismaayo.
Maamulka Azania waa maamul ilaa iyo iminka lagu muransan yahay macnaha magaciisa, waxayna sheegeen in ay maamuli doonaan gobolada Jubbooyinka oo ay Kismaauyo ku jirto.
Warar hoose ayaa sheegaaya in masuuliyiinta Azania ay rabaan in ay Kismaayo ka dhisaan maamul ku shaqeeya awaamiirta Dowladda Kenya taasina waxay keentay tuhun weyn.
Dhanka Dowladda KMG ah masuuliyiin katirsan Dowladda ayaa iyana raba in ay Kismaayo si gaar ah u maamulaan oo ay u dhiibaan kadibna marka la qabto dad ay isku hayb yihiin maadaama Kismaayo ay tahay magaalo ay isku haystaan qabaa’illo awood badan.
Masuuliyiinta kale ee Dowladda KMG ah waxay ka cabsi qabaan in haddii Kismaayo laga saaro Al shabaab ay dhacdo mid lamid ah sheekadii sanadkii 2007-dii markii Kismaayo laga qabsaday Midowgii Maxaakiinta Islaamka.
Xilligaasi Kismaayo waxaa qabsaday Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowladda KMG ah, saddex bilood kadib markii ay magaalada ka baxeen Ciidamadii Ethiopia, waxaa dhexdooda dagaalamay iyaga oo u kala baxay labo qabiil Ciidamadii Dowladda KMG ah.
Intaasi kadib waxay Kismaayo gacanta u gashay mid kamid ah labadii garab ee dagaalamay, waxayna maamulaayeen ilaa ay sanadkii 2008-da kala wareegaan Al shabaab iyo Xisbul Islaam.
Marka aan usoo laabto muhiimadda qoraalka, Kismaayo waa mid kamid magaalooyinka ugu muhiimsan uguna qanisan Soomaaliya, iminka waxaa isku haysta dhamaan dhinacyada aan soo sheegnay oo mid kastaa uu wato dano isaga u gaar ah.
Dad badan ayaa aaminsan in Kismaayo ay ku roon tahay in ay shabaab sii haystaan maadaama shabaabka kadib uu khilaaf ka taagan yahay cidda maamulaysa magaalada.
20-ka Augusto waa dhamaadka xilliga Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, waxaana aad loo dhowrayaa waxa Kismaayo ka dhaca ka hor 20-ka August ee sanadka 2012-ka.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com