Uncategorized

Fanaanada Caanka Ah Farxiya Kabayare Ayaa Mar Kale Soo Saartay Hees Aad U Maqaan Oo Wadata Muuqaal Heer Sare Ah Ee Daawasho Wanaagsan.

iftineducation.com –  Fanaanada North America ee Farxiyo kabayare ayaa soo sartay
muuqaalka heesta Naftaydaay Raali Noqo oo sida la sheegay ah hees Qiso Jacayl oo dhab ah xanbarsan.

Farxiyo kabayare ayaa sanadkaan soo saartay muuqaalo aad u badan aadna u qurxoon, waxaana inta badan muuqaalada u Sameeyo shirkada filimaanta samayso ee lagu magacaabo Somali V i p uu madaxda ka yahay Ahmed Ugaaska,sido kale Directed waxaa ka ahaa muqaalka Heestaan Ahmed Heykal.

Fanaanadan ayaa ka duwan fanaaniinta Soomaalida ,waxay leedahay cod u gaar ah uu rabi habeebad u siiyay waxana u sii dheer labis, dhoola cadayn iyo habsimida jireedka ooy ku dhaaftay fanaaniita intooda kale.

Hadaba Fanka Qurbaha ayaa ku yimid isbadal weyn oo xaga muuqaalada ah halka markii hore uu ka ahaa dhagaysi inta badan waxyna tani fursad u noqotay fanaaniinta yar yar oo leh bilicda wanagsan.

Halkaan Ka Daawo Muuqaalka Heesta.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com