Uncategorized

Daawo Muuqaalkaan “Wiil Yar oo 9 sano jir ah oo qabo cudur kii ugu yaabka badnaa abid oo aanan horey loo arkin

iftineducation.com –  Wiil yar oo 9 sano jir ah oo u dhashay dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inuu qabo cudur kii ugu yaab badnaa abid oo aanan horey loo arkin kaas oo ah inuu wiilkaas uu xasaasiyad ama alerjik uu ku qabo cuntada caadiga ah asagoona wiilkaas aan haba yaraatee wax cunto ah cuni karin ama aanan urin karin hadii uu cunana ama ay u soo urtana uu ku dhimanaayo cuntadaas arintaas oo ay dad badan ay aad iyo aad ula yaabeen.

Wiilkaan yar oo lagu magacaabo Joshua oo 9 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuusan wax raashin ama cunto ah uusan cuni karin waxay doonto ha noqotee iyadoona hadii ay dhacdo inuu cuno raashin uu wiilkaas yar halis ugu jiro inuu dhinto, Wiilkaan oo sidoo kale xataa qatar weyn ay ku tahay inay u soo urto cuntada marka la karinaayo ayaa sida ay dhaqaatiirtu sheegeen waxaa uu qabaa cudur lagu magacaabo eosinophilic esophagitis kaas oo ah cudur uu qofku ay halis ku tahay cuntada caadiga ah iyadoona xataa uu wiilkaasi yar uusan dhadhamin karin raashinka ama xataa ay qatar weyn ku tahay inuu u soo uro marka la karinaayo raashinka taas oo keentay in waalidka dhalay wiilkaas yar ay cuntada ku karsadaan meel dibada ah oo aanay soo gaari karin urkiisa wiilkaas.

Ugu dambeyntiina iyadoo cuntada kaliya ee wiilkaan cuno ay tahay cuntada caruurta yar ee la soo habeeyey iyo cunto gaar ah oo uu u soo diyaariyey dhaqtarkiisa taas oo uu wiilkaas ka qaato caloosha oo uu tuubo ay ugu jirto ayaa waalidiinta dhalay wiilkaas waxay sheegeen inay aad iyo aad uga wel wel san yihiin xaalada caafimaad ee wiilkooda iyadoona wiilkaas uusan guriga ka bixin islamarkaana uusan aadin iskoolka oo guriga uu ku qaato waxbarashadiisa, Wiilkaan ayaa waxaa la sheegay hadii uu isku dayo inuu cuno cunto caadi ah inuu islamarkiiba qabanaayo xanuun daran ka dibna uu ku waalanaayo shuban iyo matag joogto ah, dhaqaatiirta ayaa waxay shaki kamuujiyeen inuu wiilkaas mar un noqon doono qof caadi ah oo raashinkiisa ama cuntadiisa si caadi ah u cuni doono.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com