Uncategorized

Ciidamada UPDF-ta oo markii ugu horeesay Soomaaliya imaanaya si Al-Shabaab ugula Dagaalamaan Magaalooyinka Kismaayo iyo Baraawe

iftineducation.com – Dowlada Ugandha ayaa qorsheeneysa in Dhawaan Dalka Soomaaliya usoo dirto Ciidamadeeda qaaska ah ee loo yaqaan UPDF-ta si ay ula Dagaalamaan Dagaalyahanada Al-Shabaab ee wali kataliya qeybo kamid ah Koonfurta iyo Bartmaha Soomaaliya.
Ciidamadan oo Tiradooda ay gaareyso 3,237 ayaa la sheegay in dhawaanahan uu u socday tababar dheeraad ah ay ugu diyaar garoobayeen sidii ay Soomaaliya ugu soo dhaqaaqi lahaayeen, iyagoona Tabbar gaar ah lagu siinayay Xerada Ciidamada ee Singo.
 
Ciidamadan lagu wado in Dhawaan soo gaaraan Magaalada Muqdisho ayaa qorshahooda yahay in lagu badalo Ciidamo kale ee Ugandha katirsan oo Mudo joogay gudaha Soomaaliya kuwaa oo dib loogu celinayo Dalkooda.
 
Ciidamadan ayaa tababar gaar ah waxaa siinayay Qubaro ama tababarayaal milatari oo ka socday Dowlaha France iyo Ingiriiska , iyagoona barayay sida Nafsiyan la isku difaaco iyo sida loogu dagaalamo madaafiicda ,waxaa sidoo kale la barayay shiika fog iyo sida wax meel fog looga toogto.
 
Ciidamadan ayaa waxay dhoola tus kusoo bandhigeen xerada Singo waxayna soo bandhigeen ineey diyaar uyihiin ineey mar dhow ka howl galaan Soomaaliya ayna kula dagaalamaan Al-shabaab isla markaana ay amaan iyo daganaan kusoo celiyaan qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya oo ay hada gacanta ku hayaan Ururka ku biiray Al-qaacida.
 
Gen. Levy Karuhanga oo ah taliyaha guud ee ciidamada ciidamada difaaca shacabka Uganda (UPDF) ayaa sheegay in Ciidamadan dhawaan gaari doonaan Gudaha Soomaaliya gaar ahaan marka ay dhacdo Doorashada Soomaaliya oo la filayo in ay qabsoonto 20-ka Agoust ee Sanadkan
 
Ciidamadan ayaa sidoo kale loogu tala galay in ay Shabaab kula Dagaalamaan Magaalooyinka Kismaayo iyo Baraawe oo hada Shabaab gacanta ku hayaan ahna Magaalooyin xeebo leh oo Shabaab dhaqaale fara badan uu kasoo galo.
 
Ciidamadan UPDF-ta loo yaqaan ee Dowlada uganda xili dhaw usoo direyso Soomaaliya ayaa noqonaya ciidamadii ugu horeeyay ee katirsan UPDF-ta ee loo soo diro Soomaaliya waxa ay sidoo kale noqonayaan Dufcadii ama kooxdii 10-aad ee kasocda Ciidamada Dalkaasi ee Soomaaliya yimaada.
 
____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com