Uncategorized

Al Shabaab Oo Sheegtay Inay Rajo weyn ka qabaan La Soo Wareegitaanka Michael Owen.

iftineducation.com – Kooxda ka dhisan Imaaraadka Carabtab ee Al Shabab ayaa sheegatay inay ku dhow yihiin inay soo xerogeliyaan Michael Owen oo ay iska fasaxday kooxda Manchester United.

Owen ayaa suuqa xorta taagan, waxaana lala xiriirinayay kooxo dhowr ah oo ay ka mid tahay kooxda Stoke City.

Al Shabab ayaa haatan sheegatay in wakiilada 32 jirkaan ay wadahadalo kula jiraan, islamarkaana heshiiska la filayo in la soo gabagabeeyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Waxa ay ku qoreen bogooda Twitter: “Michael Owen waxa aan u tilmaamsanay inuu noqdo ciyaaryahan Shabab ah xilli ciyareedka soo socda, waxaana wadahadalo aan kula jirnaa wakiiladiisa”.

“Wakiilka ciyaaryahanka ayaa ku sugan Dubai si uu heshiiska u soo gabagabeeyo” ayay hadalkooda raaciyeen

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com