Uncategorized

Ajay Devgan iyo Xaskiisa Kajol Oo Dalxiis Ku Jooga Europa.

iftineducation.com –  Jilaaga Bollwoodka Ajay Devgan ayaa go’aansaday in fasax gaaban uu ku soo qaato wadamada Yurub, waxaana fasixiisa dalxiiska ku weliya xaaskiisa Kajol iyo labadiisa caruurta ah, Ajay iyo Qoyskiisa ayaa mudo toban maalmood ah ku soo dalxiisi doona wadamada yurub laga bilaabo maalinta Arbacada.

Saaxib ku dhaw Ajay Devgan ayaa daaha ka qaaday in isaga iyo xaaskiisa iyo caruurtiisu ay uduuleen wadamada Europa , waxeyna soo laaban doonaan sida uu sheegay toban maalin kadib, isagoo kadibna Ajay uu bilaabi doono sawirka heesta Salman Khan iyo Sunjay Dutt dhamaadka Bishaan


Ajay iyo qoyskiisu wax dalxiisa islama aadin mudooyinkii ugu dambeyay, wuxuuna go’aansaday in markaan si wada jir ah ay u soo dalxiisaan, isaguna uu soo qaato nasiino gaaban.
____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *