Uncategorized

Zarin Khan Oo Mar Kale Isku Diyaarineysa Inay Jisho Amiirad.

Jisho Amiirad
 iftineducation.com – Atariishadaan muuqaalka qurxoon Zarin Khan filimkii ugu horeeyay ay ku soo gashay Bollywoodka waxa ay ku meteshay Amiirad, waxeyna la keentay filimkaas Salman Khan, waxaana mar kale atariishadu u diyaar garoobeysa inay jisho Amiirad filimkeeda soo socda.
Zarin Khan ayaa tiri waxaan ka cayaari doona filimkeyga soo socda inaan ahay Amiirad, waxaana lagu tilmaamay atariishadaan inay tahay qof geesi ah, in kastoo filimkii hore aysan guul sidaas u weyn ka gaarin balse waxaa la dhihi karaa bilow ayay eheed waqtigaas. 
Filimkaan ayaa ku kici doona dhaqaale aad u badan, waxaana atariishad ka noqon doonta Zarin Khan, gabdhaan ayaa lagu dhaleeceyn jiray in miizaankeedu aad u culusyahay laakiin hada waxa ay iska dhigtay atariishad dhameystiran. 





____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com