Uncategorized

Wiil Sideed Jir Ah Oo Guur Ka Dalbaday Priyanka Chopra ( Daawo Video )

Priyanka Chopra
iftineducation.com – Atariishdaan caanka ah ee Priyanka Chopra waxaa lagu tilmaamaa inay tahay Gabadha riyada qof kastaana uu jecelyahay inuu helo, mana ahan markii ugu horeysay ee laga dalbado guur, waxaa markii ay sameysay filimkii (Mujhse Shaadi Karogi,) laga dalbaday guur laakiin kaas iyo midkaan wey kala duwanyihiin farqi weyn ayaana u dhexeeya.

Priyanka waxaa ka yaabiyay wiil yar oo sideed jir ah kaasoo u soo bandhigay inuu guursado xili ay marti u eheed barnaamij Dance ah oo ay wada socdeen Shahid Kapoor, waxaana fajac iyo amakaag ku noqotay in canug sideed sano jir ah uu ka dalbado guur, iyadoo sidoo kale ay la yaabeen arintaas dadweynihii goobta joogay.

Priyanka Chopra ayaa horay ugu guuleysatay boqorada quruxda aduunka, waxaana lagu tiriyaa inay kamid tahay hablaha ugu muuqaalka wanaagsan dunida xiligaan, laakiin waxa ay caan ku tahay inaysan yeelan saaxib rasmi ah oo marba ay meel ku dhacdo, wexeyna ug dambeyn la kulantay wiil sideed jir ah.


____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com