Uncategorized

Taageerayaasha Justin Bieber oo isku jiiray xafladiisii Oslo Norway

Justin Bieber Oslo Norway
iftineducation.com – Fanaanka u dhashay dalka Canada ee Justin Bieber ayaa waxaa uu xaflad bilaash aheyd ku qabtay Operada Oslo Norway waxaana kasoo qeybgalay taageeryaashiisa Norway oo u badnaa gabdho da’doo ka yartahay 20 ka ayagoo isla markii uu soo koray masraxa wada ilmeeyay.

Waxey ku cabaadayeen baby Baby oo aheyd midka mid ah heesaha uu qaado Justin waxeyna qaarkood iska tuureen qarka ayadoo qaar badana ay wada suuxeen ayagoo codsanayay inay mar uun taabtaan Justin ama u dhawaadaan maadaama ay aamini waayeen inay hor yimaadeen Justin Bieber.

Police ka ayaa maalintaas xakameyn wayaay da’yarta u badnaa gabdhaha ee  daba ordayay Justin Bieber ayagoo wadada isku daadiyay qaarna ay gaarigiisii iskku wareejiyeen si ay fanaanka mar uun ugu dhawaadaan ama ku boodaan, halka kuwa kalena ay safaf dhaadheer ku jireen ayagoo qaadayay heesaha fanaankan.
Fans Justin Bieber Oslo Norway

Halkaan ka daawo Video – Ga ayagoo daba ordaya Gaariga Justin Beiber.


____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com