Uncategorized

Sonam Kaooor: Ma Jecli Inaan Keeno Wax Habluhu Daneynayaan.

Sonam Kapoor
iftineducation.com –  Atariishada da’da yara ee Sonam Kapoor ayaa bilowday sawirka filimkeeda cusub ee (Raanjhana), kaasoo ay ku soo bandhigeyso muuqaalo kala duwan, iyadoo Sonam ay ku meteli doonto filimka gabar reer Tuulo ah kadiban aadeysa Magaalada.
Sonam Kapoor: Aabahey Anil Kapoor waa shaqsi naxariis badan
Imran Khan iyo Sonam Kapoor: Lamaanaha xiga Shahrukhan iyo Kajol.

Sonam ayaa tiri waan faraxsanahay maxaa yeelay cidna lama tartamaayo, iyadoo sii raacisay uma jeedo sabab aan qof kula tartamo laakiin waxaan la baratamayaa nolosheyda.

Gabadhaan uu dhalay aktarka weyn ee Bollywoodka Anil Kapoor, ayaa sheegtay inaysan dooneyn inay soo bandhigto wax habluhu aad u jecelyihiin, xitaa hadii ay ku xirantahay guusha filimku, waxaan u shaqeynayaa si dhab ah laakiin waxaan rabaa nolol qaas ah ayey tiri Miss Sonam.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com