Uncategorized

Sneijder – Cup-ka Euro-ga Holland Ayaa Iska Leh

Sneijder
iftineducation.com – Kubad sameeyaha xulka Holland iyo kooxda Inter Milan Wesley Sneijder ayaa sheegay in wadankisu uu qaadi doono koobka qaramada yurub ee Euro 2012.

Isagoo Tv-iiga wadankiisa uwramayay ayuu sheegay in ay kasoo kabsan doonaan qasaaradii ay Spain kala kulmeen Final-kii koobkii aduunka ee 2010 ee lagu qabtay South Africa.
Wesley waxaa uu sheegay in kadib koobka aduunka uu Euro-gu yahay koobka ugu adag ee lagu tartamo sidaas oo ay tahayna uu wadankiisu hada leeyahay awood uu ku qaado Euro marka la fiiriyo xulalka kale.
Sneijder ayaa aaminsan in aysan fududeen in xaalada Group-ka ay ku jiraan oo lagu tilmaamay Group-ka dhimashada, kaas oo ay ku wehliyaan Germany, Portgual and Denmark.
“Waxaan aaminsanahay in uu sanadkaan yahay sanadkeenii waxaan heysanaa fursad wanaagsan ,waxan usharaxanahay Euro ,waxaan iloobi doonaa in aan luminay koobki aduunka hadii aan qaadno Euro ayuu yiri Wesley Sneijder.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com