Uncategorized

Paris Michael Jackson : Abahey waxa Uu Nagu Qasbi Jiray Inaan Xirano Koofida La Isku Qariyo.

Paris Michael Jackson
iftineducation.com – Waxa ay daaha ka qaaday gabadha uu dhalay heesaagii caanka ahaa ee geeriyooday 2009-ki Michael Jackson ee Paris Jokson in iyada iyo walaaleheed uu ku qasbi jiran abeheed inay is qariyaan marka ay guriga ka baxayaan si aan loo aqoonsan, waxaana ula jeedadiisa ugu weyn ay eheed inaan ku noolaalo nolosha caruurta caadiga ah, ugana fogaano inaan caan noqono oo tooshku na qabto.
Paris Jokcon ayaa sheegtay in Abheed uu aad u jeclaa caruurtiisa iyadoona meesha ka saartay in ilmihiisa uusan daryeeli jirin sida dadka qaar ay buun buuniyaan, iyadoo tiri waxa uu jeclaa inaan nolol xor ah oo caadiya   ku noolaano sida caruurta caadiga oo kale,maadaama isagu caruurnimadiisi uu ku qaatay Studios iyo jamaahiirta horteeda iyo weliba shaashadaha talafeshinada, isagoo da’yar ku bilaabay heesaha. 
Paris ayaa tiri marka aan qaadano koofida leysku qariyo aniga iyo walaalehey waxaan eheyn kuwo ku nool nolol caadi ah,  waxaan tegi jirnay goobaha laga cunteeyo ee bartmaha magaalada ku yaala, anagoo  kadibna ka cuntey jirnay, waxaa kale oon tegi jiray meelaha caruurta caadiga ay ku cayaaraan anagoon arki jrin wax nadhiba maxaa yeelay maba nala aqoon ayay tiri. 
Paris Jokson oo markii Abeheed dhimanaayay eheed 11-jir 2009-kii ayaa ku biirtay fanka laakiin waxa ay gashay dhanka filim jilista, waxayna hada jirtaa 14-sano.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com