Uncategorized

Omar Ahmed waa heesaa Soomaaliyed oo Norway caan ka Noqday Daawo video

Heesaaga Omar Ahmed

iftineducation.com – Fanaankan oo lagu magacaabo Omar Ahmed Mohamed ayaa wacdaro ka dhigay tartan faneed laga jecelyahay dalka Norway oo lagu magacaabo The Voice waxaana uu fanaankani ka gaaray meel wanaagsan oo finalka ah asigoo ka adkaaday heesayaashi kale ee la tartamayay.

Omar Ahmed ayaa ah 24 jir waxuuna ku dhashay dalka Norway balse waxuu ku heesaa afka Ingiriiska waxuuna codkiisa musjisada ah ku muteystay taageeryaal badan iyadoo ugu dadkii xukminayay barnaajka uu doorkoodii soo gudbay halka kaliya uu ku adkaan wayay codeyntii dadka shacabka ay soo dirayeen fariimaha.
Cumar ayaa waxuu haatan kusoo baxay xiddig waxaana heesahiisa aad loo daawada iyadoo saxaafadda Norway ay iyana ilaa iyo haatan ka sheekeyso Omar.
Daawo Cumar oo hees macaan kaga adkaanaya tartame kale oo ay heesta ku wada tartamayaan.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com