Uncategorized

Nin Hubaysan oo Nin Soomaali ah ku dilay Magaalada Toronto ee Dalka Canada iyo Booliska..(Daawo Muuqaal Ahaan)

iftineducation.com – Nin Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay in lagu dilay magaalada Toronto ee dalkaas Canada ka dib markii nin kale oo hubeysan uu ku toogtey meel laga dukaameysto xilli ay goobtaas ay sidoo kale ku sugnaayeen dad weyne aad iyo aad u fara badan oo xaruntaas ka dukaameysanaayey iyadoona ay halkaas ka dhalatay kala carar iyo kabteey ma aragtey

Soomaaligaan la dilay oo lagu magacaabi jirey Axmed Xasan oo 24 sano jir ahaa ayaa waxaa la sheegay in lagu toogtey xarun weyn oo suuq ganacsi ah oo lagu magacaabo Eaton Centre oo ku taal magaalada Toronto ee dalka Kanada xilli uu halkaas ku sugnaa goob laga cunteeyo oo halkaas ku taal, ninkan la dilay oo sida muuqata ahaa nin la beegsanaayey oo uu asaguna ahaa target ayaa waxaa sidoo kale goobtaas ay rasaastii haleeshay qaar ka mid ahaa dadweynihii ku sugnaa goobtaas iyadoona ay halkaas sidoo kale ay ku dhaawacmeen dad gaaraayo ilaa iyo 7 qofood, falkaan toogashada ah oo markii dambe ay booliisku u qabteen nin lagu magacaabo Chistopher Husbands oo 23 sano jir ah ka dib markii uu asagu isku soo dhiibay booliiska iyadoona ay booliisku sheegeen in ninkaan dilka geystay uu ahaa ninku jira guri maxbuus, Sidoo kale ayaa waxay warbaahinta dalkaas Kanada hadal hayaan inay arintaas ku lug leedahay falal burcadnimo iyadoona ay sidoo kale ay war baahintu sheegtay inay Soomaaliga la dilay iyo ninka dileyba ay ka wada tirsanaayeen koox burcad ah, iyadoona sidoo kale uu goobtaas dadka ku dhaawacmay uu ka mid yahay nin ka tirsanaa kooxdaas burcada ah iyadoona uu ninkaas soo gaarey dhaawac halis ah.




Ugu dambeyntiina iyadoo sida ay sheegtay warbixinta booliisku uu ninkaan falkaa dilida ah geystay uu ku jirey xabsi guri ayaa waxaa la sheegay in ninka Soomaaliga ah ee dhinteyna uu ahaa mid uu ku socday kiis dacwado loo heystey oo la xiriira ka ganacsiga daroogada cocaine iyo is hortaag iyo ka hor imaansho booliis, iyo waliba heysasho alaabo la soo xaday ama uu sameeyey tuuganimo, ninkaan Soomaaliga ah ayaa sidoo kale waxaa la sheegay inuu soo xaadrin maxkamadiisii taas oo keentay in la dul dhigo amar qabasho meel kasta oo lagu arko intuusan ninkaas u dhiman toogashadaas, qaar ka mid ah ehelada ninkaan Soomaaliga ah aya waxay sheegeen inay waxba ka jirin eedeymaha loo soo jeedinaayo ninkaas iyagoona ku tilmaamay inuu ahaa ninkaas nin wanaagsan.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com