Uncategorized

Nin diyaarad Boing 727 ka dhigtey guri uu ku noolaado ‘Layaabka Dinida( Daawo Sawirada)

Boing 727
iftineducation.com – Dad badan oo dunida ku dhaqan ayaa hoy la’a oo meel ay madaxa dhigaan waysan, kuwo Buush iyo cooshado ayay miciin bidaan, kuwa barxadaha iyo wadooyinka ayay busto dhigtaan, qaar ayaa miyiga degan oo cabaadka Geela iyo Lo’da inay maqlaan mooyee hurdaba ka soo dhicin oo xerada xoolaha kaabiga meel ku haysa xusulka muda, habeenkiina madaxa meel la raadsada, qaarbaa beeraha dhexdoodiyo mooska iyo geedaha kale kaneecada la jiifa, qaar kalena daaro dheedheer, dabaqyo iyo daruuraha dhexdooda ayay habeenkii seexdaan.

Laakiin intaasi nin ayaanba aheyn oo isagu door biday in diyaarad weyn oo hadii duulimaad loo adeegsado boqolaal qof la duuli karta uu ka dhigto guri uu ku noolaado oo uu nolashiisa ku qaato.

Telefishinka CNN ee dalka Mareykanka laga leeyahay oo arinta ninkan baahiyey isla markaana warbixin kooban ka diyaariyey.

Ninkan ayaa lagu magacaabaa Bruce Campbell wuxuu ka soo jeedaa gobolka Oregon ee dalka Mareykanka, wuxuu ninkan mudo ku taamayey oo aheyd riyadiisa in uu mar uun dhexseexdo oo uu ka soo tooso diyaarad uu guri ka dhigto, iyadoo ugu dambeyntii riyadiisii ay u rumowday sanadkii 1999-kii, ka dib markii uu guri ka dhigtey diyaarad nooceedu yahay Boing 727-200, isagoo ka dhistey meel keyn ah oo ku taal gobolka Oregon

Koox wariyaal iyo sawir qaadayaal ka tirsan Tv-ga CNN oo booqdey guriga diyaarada ka sameysan, wuxuu ugu horeyn u sheegay saxafiyiintii gurigiisa booqdey in waxa ugu horeeya ee uu ku dadaalo ay tahay in uu ilaaliyo nadaafada gurigiisa

Bruce wuxuu mudo dhawr sano ah ku iibsadey diyaaradan lacag gaaraysa 100 kun oo doolar, iyadoo diyaaradan ay aheyd mid xamil gabtey oo aan adeeg duulimaad sameyn karin, waxaana uu dhex dhigay beer uu ku leeyahay deegaankaasi isagoo halkaasi ka dhigtey guri.

Baalayaasha diyaarada mid ka mid ah wuxuu u adeegsadaa jaranjaro guriga lagu soo fuulo, isagoo sheegay in sadexdii Suuli ee diyaaradu laheyd ay shaqeynayaan, isagoo sidoo kale ku rakibay mid kale oo uu u adeegsado qubeyska.

Inkastoo diyaarada ama guriga Bruce aanay ugu xirneyn adeeg Telefishin ama Radio hadana wuxuu halkaasi ku rakibtey qalabka dhageysiga ee loo yaqaan Mp3 isagoo halkaasi kaga shanqariya mustiga.

Qaybo ka mid ah kuraastii rakaabka guriga ayuu ka saarey halkaasi waxaana uu ka sameeyey Bruce qol jiif, sidoo kale wuxuu ka sameeyey qaybo fadhi.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com