Uncategorized

Nin Darbi jiif ah oo helay Dahab lagu qiimeeyay 77-kun US Dollar & Maxkamadii uu geeyay Dahabkaan (Daawo Nasiibka Ninkaan)

iftineducation.com – Gobolka Texas ee dalka Mareeykanka Nin lagu magacaabo Timothy Yost ayaa waxa uu helay Dahab aad u fara badan balse Ninkaan oo ahaa dadka aan guryaha laheeyn ee loo yaqaan (Homeless) ayaa Dahabkii u geeyay ciidamada Booliiska waxaana farta laga saaray mar kale markii Maxkamad ku taal halkaas ay weeysay cid soo sheegata Hantidaas. 




Qiimaha Dahabkaan uu ku fadhiyo ayaa lagu sheegay Aduun ka badan 77.000 Dollar waxaana hantidaan si toos ah iminka loogu wareejiyay Timothy Yost oo ah ninkii soo helay kuna soo wareejiyay Maxkamada sare ee gobolkaas.

Timothy Yost waa nin Waayeel ah waxaana maalmahaan hadal hayay arintiisa warbaahinta dalka Mareeykanka kuwaas oo la yaabay sida ay ku dhici karto Shaqsi aan Guri laheeyn oo waliba dadka Alaalaxa ah qaabka uu Dahabkaas faraha badan ugu soo wareejin karo Ciidamada Booliska iyo Maxkamada sare ee gobolkaas.

Qaar ka tirsan warbaahinta gudaha dalka Mareeykanka waxay qisada ninkaan ciwaan uga dhigeen “Aaminaada waa wax loo dhasho” Dahabkaan faraha badan intii lagu raadinayay qofkii iska lahaa waxaa dadka gobolkaas loogu hanjabay qofkii been sheega damacna ka galo Dahabkaas inuu muteeysan doono xukun adaag maadaama la weeydiin doona inta Kiilo uu yahay iyo qaabka uu kaga dhumay.Timothy Yost ayaa Dahabka waxa uu ka helay goob Biyo-mareen ah.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com