Uncategorized

Moh Farah oo Orod Ku Guuleystay

Moh Faarax
iftineducation.com – Cayaaryahanka Soomaaliga ah ee orordka, Maxamed Faraxa oo heysta dhalashada Britain ayaa xalay ku guulaysatay orodka 5-ta kun ee tartanka Prefontaine Classic in Eugene ee lagu qabto dalka Mareykanka.
 
Moh farah oo da’diisa ay tahay 29-sano ayaa ku oraday 12 daqiiqo iyo 56.98 ilbiriqsi, isagoo ka horumaray Kenenisa Bekele oo u ordayay Ethiopia iyo Isaiah Koech oo isna Kenya u ordayay, sida ay qortay jariiradda The Mirror ee dalka Ingiriiska.
Maxamed Faarax ayaa u mahad celiyay macallinkiisa Alberto (Salazar) oo uu tilmaamay inuu si wanaagsan u soo diyaariyay, isagoo rajo ka mujiyay inuu kaalin wanaagsan ka galo tartanka cayaaraha olimbikda adduunkaoo bisha July lagu qaban doono magaalada London.
Moh Farah horey ayuu guulo ugu hooyay dalka uu dhalashadiisa heysto ee Britain.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com