Uncategorized

Mid kamid ah Ciyaaryahanadda Kooxda Man City oo Xabsiga loo Taxaabay

Johnson
iftineducation.com – Ciyaaryahanka kooxda Manchester City Michael Johnson ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii looga shakiyay in uu gaari waday isagoo cabsan saacado kahor xarigiisa.

Johnson ayaa lasheegay in uu kusii jeeday guriga gabadh ay saaxiibo yihiin oo kuyaal Urmston waxaana intii uu sii socday marar badan darbiyada ku garaacay gaarigiisa.

Dadka deegaanka Manchester ayaa laga soo xigtay in Johnson ay xireen ciidamada Booliska.

Waxaa jiray dhaawac soo gaaray 24-jirkaan taas oo keentay in loo qaado isbitaalka Trafford General Hospital.

Mid kamid ah dariska ciyaaryahanka ayaa usheegay Manchester Evening News: ‘waxaan usoo baxay banaanka si aan u arko isaga waxaan weydiiyay hadii uu wanaagsan yahay waan garanayay magaciiisa laakiin kaliya xaaladiisa ayaan ogaanayay.

‘waxaan weydiiyay hadii ay jirto qof aan ugu yeero waxaana uu ii sheegay saaxiibadiis oo meelahan ku nool.

Booliska ayaa xaqiijiyay in 24-jirkaan loo xiray iyadoo looga shakisan yahay in uu ka xeeyay gaariga isagoo cabsan waxaana haatan dhaawac ahaan uu ujiifaa isbitaal.

Laacibkan qadka dhexe Johnson ayaa Kooxda City ay kala soo saxiixatay Juunyarta sanadkii 2004 waxaana labo sano kadib uu noqonayaa xidig kooxda koobaad ku jira.

Ciyaaryahankan ayaa hal sano oo amaah ah kula joogay Leicester laakiin kooxda city ayuu dib ugu soo laabtay inkastoo ay dhaawacyo hareeyeen.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com