Uncategorized

Mid ka mid ah Weeraryahanada ugu caansan Caalamka oo Anshax xumo sameeyay & xiriirka UEFA (Daawo Muuqaal+Warbixin)

iftineducation.com – Xiriirka UEFA qeeybta Dizipiliinka ayaa si la yaab ah waxay uga naxsadeen weeraryahanka Qaranka Denmark iyo kooxda Sunderland Nicklas Bendtner .Xiddigaan ayaa lagu heeystaa inuu ku Dabaaldegay ama la soo baxay Kastuumadiisa hoose kulankii Denmark vs Portugal xili uu Qaranka Portugal ka dhaliyay Goolka bareejada 2-2. 


Ciyaaryahan Nicklas Bendtner waa Weeraryahankii hore ee kooxda Fc Arsenal waxaana iminka la ganaaxay Aduun lagu sheegay 100.000 oo Euro iyo waliba inuu Qarankiisa ka maqnaado kulanka isreebreebka koobka Aduunka oo 8-bisha Septembar lagu wado inay wada ciyaaraan dalalka Denmark Vs Czech Republic.

Kastuumada ama Nigiska uu ku dabaal-degay Weeraryahan Nicklas Bendtner waxaa ku qornaa Paddy Power waxeeyna Xiriirka UEFA soo ogaadeen in laga leeyahay Shirkad Qamaarka ka faaloota oo fadhigeedu uu yahay dalka Irland balse Weeraryahan Nicklas Bendtner oo is difaacaya ayaa yiri sidatan :

“Waxaa Kastuumadaan ama nigiskaan Hadiyad ahaan iigu keenay Saaxiib aan qaraabo hoose nahay wuxuuna ii sheegay in Nigiskaan ama Kastuumadaan uu dhanka Nasiibka iga saacidi doono ”

Ciyaaryahan Nicklas Bendtner Nasiibka uu sheegaayo ma dhicin maxaa yeelay markii uu Kastuumadaan ku dabaaldagayay Ciyaarta waxa uu ka dhigay Bareejo 2-2 ah balse dhamaadkii Ciyaarta waxaa 2-3 ku badiyay xulka Qaranka Portugal.

Lacagta lagu ganaaxay xiddigaan oo aad u fara badan ayaa waxaa la sheegay ineeysan waxba u dhimi doonin Ciyaaryahankaan maxaa yeelay Malaayiin Lacag ah ayaa ka soo gasha Ciyaarta Kubada cagta iyo waliba Dharka uu Shirkadaha u xayeeysiiyo. Xiriirka UEFA oo Ganaaxaan la soo deg degay waxaa la sheegay taas macnaheeda inay Digniin u tahay Xiddigii isku daya inuu la soo baxo ama Kastuumadiisa tuso dadka daawanaya Ciyaaraha caalamiga ah.

____________________________________

Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com