Uncategorized

Mario Balotelli ” Qofkii anoo Wadada maraya Qob Muus igu soo tuura iina is ticmaala Daanyeer” (Daawo Wareysiga)

Mario Balotelli
iftineducation.com – Xiddiga Qaranka Talyaaniga iyo kooxda Manchester City Mario Balotelli ayaa waxaa ka soo yeertay Hanjabaad nuuceeda aanan weli horay loogu maqal ciyaaraha Kubada cagta kaas oo si weeyn ugu digay Taageerayaasha Cunsuriyiinta ah ee ka qeeyb galaya koobka Qaramada Yurub oo dhawaan ka furmi doona dalalka Poland & Ukraine.

Mario Balotelli oo Wareeysi siiyay Saxaafada gaar ahaan Jaraaidka France Football ayaa mar la weeydiiyay sida uu ka yeeli doono Taageerayaal Cunsuriyiin ah oo la sheegay inay ku nool yihiin gudaha dalalka Poland & Ukraine oo lagu wado in uu dhawaan ka furmo koobka Euro 2012 waxa uu Balotelli ku jawaabay sidatan :

” Anoo Wadada maraya Cunsurigii Qob Moos igu soo tuura, waa balan inaan Xabsi gali doono ,maxaa yeelay Nafta ayaan ka jarayaa qofkii sidaas ii la dhaqmo “

Mario Balotelli oo Taageerayaal fara badan dhoor jeer Cunsurinimo kala kulmay qaasatan xiligii uu u Ciyaari jiray kooxda Inter Milan waxa uu Balotelli mar kale yiri sidan ” Hadii anoo koobka Euro 2012 Ciyaaraya la i cunsuriyeeyo ,Garoonka waan iskaga bixi doonaa waxaana dib ugu laaban doonaa gurigeeyga waa balan taas ” 




Mario Balotelli oo 21 jir ah waxaa hadalkiisa ama Hanjabaadiisaan cusub aad ula yaabay dad fara badan maxaa yeelay wuxuu iminka u yeertay ama u sii sheegay meelaha uu ka jilicsan yahay Taageerayaasha cabsan ee maqlay wareeysigiisa kuwaas oo daba dhigan doona koobka Qaramada Yurub maadaama qaarkood ay iska jecel yihiin foowdada iwm .


Dhoor jeer oo hore ayaa waxaa dhacday in Taageerayaal Ciyaalsuuqiin ah ay Mario Balotelli ku tuuryeeyeen Qobka Mooska kuwaas oo marka uu Kubada taabto u qeeylinayay qaabka uu u dhawaaqo Daanyeerka waxaana xiligaas la ganaaxay Taageerayaashii iyo kooxihii falkaas 

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com