Uncategorized

Madaxda iyo dadka Poland oo caro weyn ka muujiyeen hadal ka soo yeeray madaxweynaha Mareykanka Barack Obama

iftineducation.com – Madaxda iyo dadka Poland ayaa waxaa la sheegay inay caro weyn ka muujiyeen hadal ka soo yeeray madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama iyadoona ay ka codsadeen madaxdaasi inuu madaxweyne Barack Obama uu hadalkaas sida ugu dhaqsaha badan uu raali galin buuxda uga bixiyaa.

Madxweyne Barack Obama oo dhawaantaan ka hadlaayey munaasabad lagu xusaayey islamarkaana abaal marin bilaladeed lagu siinaayey nin u dhashay dalkaas Poland oo lagu magacaabi jirey Jan Karski kaas oo lagu sheegay inuu ahaa geesi ka soo qeyb qaatey la dagaalankiii naasigii Jarmalka, Laakiin dhibaatada muranka dhalisay ayaa waxay timid ka dib markii madaxweyne Obama oo goobtaas ka hadlayey uu si qalad ah ama kama ah u yiri xerooyinkii Polandeeska ee dadka lagu xasuuqi jirey ama lagu gumaadi jirey meeshii uu ka dhihi lahaa xerooyinkii Jarmalka ee dadka lagu gumaadi jirey ee Naziyiinta, taas oo keentay inay dadka reer Poland iyo madaxdoodaba ay arintaas ka caroodaan ayna weydiistaan raali gelin buuxda inuu ka bixiyo madaxweyne Obama arintaas, Hadii aan niraahno xerooyinkii Poland ay dadka ku leyn jirtay taasi waxay macnaheedu tahay inaysan waligeed dhicin xasuuq ay geysteen Jarmalku taasna ma ahan waxaan aqbali karno, hadalka Madaxweyne Obamana waxa uu meel ka dhac weyn ku yahay dhamaan dadka reer Poland sidaas waxaa si ay caro ku jirto u yiri raysal wasaaraha dalka Poland ninka lagu magacaabo Donald Tusk.




Ugu dambeyntiina iyadoo marba marka ka dambeysa ay isa soo tareysa carada ka imaaneyso dadka reer Poland ayaa waxaa sidoo kale arintaas caro weyn ka muujiyey kuna tilmaamay wax aan la aqbali karin madaxweynaha dalka Poland Bronislaw Komorowski asagoona walibana sheegay inuu u qori doono waraaq cabasho ah madaxweyne Obama, Laakiin afhayeen u hadlay aqalka cad ee dalka Mareykanka ayaa waxaa uu sheegay inuu madaxweynuhu uu si qalad ah u hadlay laakiinse ay ujeedkiisu ahayn arintaas, Madaxweyne Barack Obama ayaa inkastoo uu sheegay inuu ka xunyahay qaladka dhacay ayaan la ogeyn inuu arintaas ka bixin doono raali galin buuxda iyo in kale.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com