Uncategorized

Layaab iyo Madax Xanuun Qabsaday mid ka mid ah Fanaaniinta ugu caansan dalka Mareeykanka oo Show si Live ah(Daawo Dhibka dhacay)

iftineducation.com – Fanaanada caanka ah ee lagu magacaabo Lady Gaga oo maalmahaan ku sugneed dalka New Zealand (Auckland ) ayaa waxaa qabsatay Fadeexo ka dib markii uu ku dhacay Madax xanuun aysan fileen.Lady Gaga oo Heesaheeda aad looga xiiseeyo gudaha dalka Mareeykanka iyo Wadamada Yurub ayaa intii ay ku guda jirtay Shoowgii ay dhigeeysay waxaa Bir dheer Madaxa kaga dhuftay mid ka mid ah ragii iyada la shaqeenayay.

Lady Gaga oo xanuunsatay waxay qabsatay Madaxa xiligii Birta Tabeelaha ah lagu dhuftay balse Qori ag yaalay ayay doonatay taas oo horay u sii wadatay Showgii ay dhigeeysay.Ninka Birta madaxa kaga dhuftay Lady Gaga oo doonayay in uu ka ag qaado Birtaas ayaa waxaa uu si lama filaan ah Birtii ula dhacay Lady Gaga oo biil & Lacag aad u fara badan siisa raga iyada la shaqeeya.

Heestii ay qaadeeysay Lady Gaga xiligii ay Birta madaxa kaga dhacday ayaa waxaa lagu magacaaba JUDAS waxaana mar qura gacmaha madaxa iyo afka saartay dadkii daawanayay Showga Lady Gaga maadaama Birta ku dhacay ee eheed Bir Tabeele ah oo aad u adkeed.


Tv-ga MTV oo Lady Gaga weeydiiyay dhibka ka soo gaaray Birtii Madaxa kaga dhacday ayaa waxay su´aashaas kaga jawaabtay sidatan “Waa jirtaa birta inay Madaxa iiga dhacday laakiin dhib sidaas u weeyn iima geesan maxaa yeelay markii ay igu dhacday Birta ka dib waxaan qaaday 16-hees oo kale.






____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com