Uncategorized

K’naan Oo Jilaa Film Isku Badalay. . .?

K’naan
iftineducation.com – Fanaanka Soomaaliyeed ee caalamiga ah Keynaan Warsame ayaa waxuu markaan kusoo biiray inuu matalo filimada Mareykanka asigoo usoo jeesta inuu noqdo Jilaa taasoo hore loo saadilayay inuu doorkaasi ka baxi karo uuna mustaqbal wanaagsan ku leeyahay.
K’naan oo heesahiisa ay ka shaacbaxeen caalamka ayaa markaani waxaa u yeerteen soo saarayaal caalami ah iyadoo uu haatan wax ka jilay filim lagu magacaabo Cosmopolis kaasoo laga sii daayay maharajaanka Cannes waxaana soo saare ka ah david Cronenberg, waxa kale uu K’naan u sameeyay soundtrack ama heesta filinka codeyntiisa ah.

Hees ka mid ah heesaha lagu soo daray filimka oo lagu magaacabo Mecca ayuu K’naan qaadayaa waxaana kala qeyb qaadana filinkani sidoo kale Jilaaga oscar-ka qaatay ee Howard Shore, iyadoo qisada filinkana ay tahay buug Don DeLillo. 
K’naan ayaa ka mid noqday dadkii ay soo saaraysha filimkani weydiisteen caawinaad asigoo wax kala matalay, waxaana shaki ku jirin inuu K’naan sii noqonayo caan hadii uu xoogga saaro jilaanimada.
 
Halkan ka dhageyso Heesta uu filimka saaray K’naan oo u ku bilaabay bisinka.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com