Uncategorized

Kadir Anlayisli ” Dilaagii Dunida ugu halista badnaa ayaa Dukaankeeyga iigu soo galay ka dibna Indha adeegiisa (Daawo Yaabkaan)

iftineducation.com – Saxaafada iyo Telefishinada dalka Jarmalka ayaa nin Turki ah waxay ku timaameen Geesi Taariikh mudan oo Ciidamada Sirdoonka dalka Germany guul muhiim ah u horseeday . Kadir Anlayisli oo 42 jir ah wuxuu sheegay in Dukaan uu ku lahaa magaalada Berlin isaga oo dhex fadhiya uu u yimid Nin Dunida oo idil laga baadi goobayay kaas oo warsaday Internet.

” Dilaagii qatarta ahaa ee Caalamka oo idil laga baadi goobayay markii uu soo galay Mehradeeyda waxa uu i warsaday Internet ana waxaan iri haa waan kuu awoodaa Internet ee fadlan fadhiiso lambarka 25-aad, markii uu fadhiistay ayaan in yar banaanka u baxay waxaana Telfoon u diray Ciidamada Booliiska balse goobtii Booliis sheekada weey dhaaftay waxaana soo gaaray Dukaankeeyga Ciidamo Kumandoos ah oo mar qura la kacay Dilaagii Dunida oo idil laga baadi goobayay ayuu yiri Kadir Anlayisli oo u dhashay dalka Turkiga balse ka xoogeeysta ama ka shaqeeysta magaalada Berlin ee caasimada dalka Germany.

Dilaaga lagu dhex qabtay Dukaanka Kadir Anlayisli waxaa lagu magacaabaa Luka Rocco Magnotta wuxuuna u dhashay dalka Canada. Ninkaan oo 29 jir ah wuxuu jar jaray Arday Shiinees ah ka dibna Hilibkiisa wuxuu Poostada Xawilaada ugu diray Madax ka tirsan Xisbi-siyaasadeed ka dhisan dalka Canada.

Madaxdii uu u diray Hilibka Wiilkii uu dilay markii ay Baakadihii fureen waxaa uga soo dhex baxay Gacmo iyo Lugo jar jaran waxeeyna horay ka waceen Ciidamada Booliiska oo ugu dambeentii si deg deg ah ula wareegay Baakadihii uu Dilaaga ka soo buuxiyay Hilibka ardayga Shiineeska ah ee uu jar jaray.

Kadir Anlayisli mar la weeydiiyay sida uu ku gartay ama ku aqoonsaday dilaagaan lagu magacaabo Luka Rocco Magnotta oo Caalamka oo idil laga baadi goobayay waxa uu sheegay in uu Sawiradiisa ku arkay Jaraaidyada weliba Wajigiisa ka daawaday Telefishinada.
____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com