Uncategorized

Johnny Depp 14 sano kadib waxuu noqday Iskaabulo

Johnny Depp
 iftineducation.com – Jilaaha ku caan baxay jilitaanka burcad badeedka Johnny Depp ayaa waxay saxaafada shaacisay inay kala hareen xaaskiisii Vanessa Paradis.
Johnny Depp oo 49 iyo iyo Vanessa oo 39 jir ah  oo ay isqabeen muddo 14 sano ah waxeyna isku dhaleen labadan jilaa laba caruur ah oo kala ah gabadh lagu magacaabo Lily-Rose oo 13 jir ah iyo wiil  Jack la yiraahdo oo 10 jir ah asigana. 
Jilaagan Jonny Depp oo lagu naaneeso xiddigii Pirates of Caribbean ayaa xaaska ay kala hareen  la kulmay sanadkii 1998  xiligii uu matalayay filinka The Ninth Gate , markaasuu iskuugu horeeysay labadoodaba.

Vanesse ayaa waxey ka dhalatay dalka Faransiiska waxaana ay guryaha raaxada ku leedahay dalkaasi.

 
____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com