Uncategorized

Heegan iyo Dekedda oo Barbarro Galay Daawo Sawirro

Heegan Vs Dekedda

iftineducation.com – Heegan iyo Dekedda oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee kubbadda cagta Soomaaliya ayaa maanta barbarro ku kala tegay kulan ka tirsan is araggayada horyaalka 2012-ka ee Soomaaliya.
Horyaalka oo dhowaan ka furmay garoonka Jaamacahada ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa kulankii saddexaad ee lagu cayaaro, waxaana Heegan iyo Dekedda ay ku kala tageen gool iyo gool.
Kooxda Heegan ee ciidamada booliska ayaa goolka ku hormartay, waxaana qeybtii hore u dhaliyay cayaaryahan Jabriil, iyadoo Dekedda uu isla qeybtii hore u dhaliyay Djamba.
Berri waxaa cayaaraya kooxaha Banaadir Telecom iyo Horseed.

Kala soco iftineducation.com
____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com