Uncategorized

Halkaan ka Daawo ”Nin Soomaali ah oo qoys u dhashay Dalka Mareykanka xasuuq u geystay iyo Ninkaas oo lagu maxkamadaynayo Mareykanka

iftineducation.com – Nin Soomaali ah oo qoys u dhashay dalka Mareykanka xasuuq u geystay oo dhawaantaan lagu maxkamadeyn lahaa dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in maxkamadiisii dib loo dhigay ka dib markii ay soo shaac baxeen eedeymo hor leh oo ninkaas loo heysto taas oo ah inuu ninkaan sidoo kale uu ka masuul ahaa dil loo geystay ilaa iyo 3 qofood oo kale oo qoyskaas ka tirsan.


Ninkaan gacan ku dhiiglaha ah oo lagu magacaabo Cumar Maxamed Kulmiye oo 27 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay in markii hore uu ku eedeysnaa inuu sanadkii hore uu dilay oo toogtey haweeney ay saaxiibo ahaayeen islamarkaana u dhashay gabar oo lagu magacaabi jirey Sabrina Zephier , ninkaan oo maxkamadiisa la filayey inay bilaabato dhawaantaan ayaa waxaa kale oo soo shaac baxay inuu sidoo kale uu geystay dilka oo uuna toogasho ku dilay wiil la dhashay gabadhaas uu dilay oo lagu magacaabi jirey Dylan Zephier iyo hooyadeed Jolene Zephier oo 38 sano jir ahayd iyo waliba hooyada nin ay saaxiibo ahaayeen oo asagana lagu magacaabi jirey Jeremy Longie oo 22 sano jir ahaa iyadoona uu dilalkaan uu ninkaasi ka geystay maalin qura magaalada Minot, South Dakota ee dalkaas Mareykanka laba guri oo kala duwan asagoona 3 qofood ku dilay hal guri ka dibna haweeneyda u dhashay gabadhaasna uu dilay xilli ay goobta ku sugneyd gabadhiisa laakiinse aan waxba gaarsiin ayada.

Ugu dambeyntiina iyadoo sida muuqato in ninkaan Soomaaliga ah uu qoys dhan oo jirey uu baabi’iyey ayay waxay waraku sheegayaan inay dad marqaatiyaal ah ay sheegeen inuu dagaal kulul dhex maray asaga iyo saaxiibtiis maalmo ka hor inta aanan la helin meydkeeda, ninkan Soomaaliga ah oo sida la sheegay yimid dalka Mareykanka sanadkii 1999 ayaa waxaa uu horey u soo marey xabsi sanadkii 2006 ka dib markii lagu soo eedeeyey inuu qof midiyeeyey asagoona soo qaatey xabsi gaaraayo ilaa iyo hal sano xilli uu waqtigaas ku noolaa magaalada Minneapolis ee dalkaas Mareykanka, ninkan ayaa waxaa la sheegay inay dacwadiisu mar kale ay dib u bilaaban doontaa bishaan Juun bartamaheeda.

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com