Uncategorized

Guurka Esha Deol iyo Bharat Oo La Shaaciyay.

Esha Deol iyo Bharat
iftineducation.com – Waxaa la shaaciyay xilaga uu dhacayo guurka atariishada Esha Deol iyo qadiibkeeda Bharat, waxaana laga dhigay maalinta 29-ka bishaan, iyadoo nikaaxu ka dhici doono macbad ku yaala magaalada Mumbai.
Labadaan lamaane ayaa xili dheer wada socday, waxeyna ugu dambeyn ku dhawaaqeen inay is guursanayaan, isla 30-ka June waxaa xaflad  weyn lagu qaban doonaa Hotelka Shanta Xidig, waxaana kasoo qeyb geli doona fanaaniin iyo siyaasiyiin caan ka ah dalka India.
Esha Deol ayaa ah 30-sano jir, waxeyna kasoo jeedaa qoys fanka caan ku ah, iyadoo ay iska dheleen  labada jilaa ee Dharmendra iyo Hema Malini oo kamida tiirarka Bollywoodka, waxaa kale oo la dhashay atariishadaan labada xidig ee Sunny Deol iyo Bobby Deol.

 
____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com