Uncategorized

Fadeexad: Lacagta ay Dhunsadeen Madaxda TFG-da -”Warbixin Xasaasi ah’

Madaxda DKMG
iftineducation.com – Waxa 30 May 2012 uu Bangiga Aduunku u qaybiyay wufuudii shirka Istanbul warbixin tafaftiran oo ku qoran 18 bog, oo ka hadlaysa lacagta soo gashay dowladda KMG sanadihii 2009-2010 iyo sida ay u qarash gareysay Dowladdu.

Warbixinta oo kooban ayaan Af-Soomaali ku tarjunay, iyadoo Ingiriis ahna hoos ayaan ku lifaaqi doonaa.

Madaxda hoos ku qoran ayay warbixintu kasoo dooratay mas’uuliyinta dowladda KMG, waxanan sabab u ah waa ragga ay qusayso ama wax laga waydiin doono halka ay martay lacagta malaayinta ah ee maqan, maadaama xafiisyadoodu ay yihiin kuwoo gacanta loo gashay lacagtaas oo qarashgareeyay.

Shariif Xasan Sh. Adan Wasiirka Maaliyadda iyo Ra’isal Wasaare Xigeen (Hada afhayeenka Baarlamanka).

Shariif Sh. Axmed Madaxweynaha Dowladda KMG.

C/risaaq Cismaan Xasan Jurile Wasiirka Boostada iyo War-Isgaarsiinta.
C/raxman Xaji Aadan Ibraahim Ibbi, Wasiirka Kaluumeysiga iyo Kheyradka Badda.

C/rashid Max’ed Cabdi Xashi Cirro Wasiirka Ganacsiga.
Max’ed Ibrahim Xaabsade, Wasiirka Dekedaha Gaadiidka Badda.
Madaxda sare ku xusun waxa ugu tun weynaa xiligaas wasiirka maaliyadda Shariif Xasan Sh. Aadan oo xafiiskiisu uu Mas’uul ka ahaa soo aruurinta lacagaha canshuuraadka iyo qabashada deeqaha shisheeya, waxana wasiirkan lagu eedeeyay inuusan soo gudbin warbixinta lacagihii gacantiisa soo galay.
Miisaaniyadii ugu horeysay ee uu soo hordhigo baarlamaanka waxay aheyd sanadkii 2011, mana jirin miisaaniyad iyo xisaabxir labadii sanno ee ka horeysay 2009-2010.

Hay’adda baaritaanka xisaabeed sameysay waxan qiyaastay in canshuurta usoo xerootay dowladda sannadkii 2009 ay aheyd $94 Milyan, halka sannadkii 2010 ay usoo xerootay $70 Milyan.

Laakin dowladda KMG ah hay’adeeda hantidhowrka iyo xisaabiyaha guud wuxu soo bandhigay inay usoo xerootay $11 Milyan Sannadkii 2009, meesha $22 Milyan ay soo bandhigeen Sannadkii 2010, waxaana halkaas ka muuqda farqi aad u weyn oo gaaraya ilaa $130 Milyan oo ku maqan gacanta madaxda dowladda.

Lacagta maqan ayay hay’addu ku sheegtay inay mushaar ku filan u noqon laheyd dhamaan shaqaalaha dowladda, xildhibaanada iyo ciidamada amaanka Labadii Sanno ee 2009-2010.

Waxa xusid mudan in Lacagta kor ku xusan aysan ku jirin Deeqaha Beesha Caalamka, laakin ay tahay Lacag canshuur ahaan looga soo aruuriyay Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha oo kaliya.

Waxa kaloo xusid mudan in Lacagta kor lagu sheegay aysan ku jirin canshuuro laga qaaday Shirkadaha Telefonada oo gaaraya $49 Milyan iyo Canshuurta Jaadka oo gaaraysay $38 Milyan, labada sanno ee laga hadlayo.

Mar ay Hay’adu ka hadleysay deeqaha wadamada dibadu ay ugu deeqaan dowladda KMG, waxay sheegtay in inta badan lacagaha deeqda ah ee si toos ah ugu dhacday gacanta dowladda ay ka timid wadmada Khaliijka. Deeqaha bani’aadanimo ee beesha caalamku bixisay intooda badan waxa loo marsiiyay Soomaaliya hay’adaha samafalka ee NGO iyo hay’adaha Qaramada Midoobay, laakin looma dhiibin Dowladda KMG.

Baaritaan kadis ah iyo xog lagu kalsoonaan karo waxa lagu ogaaday in lacagta deeqaha ee si toos ah ugu dhacday gacanta dowladda KMG ay gaaraysay $59 milyan sannadkii 2009, halka ay dowladdu sheegatay in deeqaha ay heshay ay ahaayeen $3 milyan oo kaliya.

Warbixintu waxay intaas ka dartay in dakhliga canshuuraha dowladdu uu ka yimaado oo qura dekedda, garoonka diyaaradaha iyo dhacdhac kale oo ay ka mid yihiin khidmada baasaboorada, taargada baabuurta, canshuuraha dowladda hoose (munishiibiyo) ee suuqyada iwm.

Waxay warbixintu ku eedaysay dowladda inaysan wax canshuur ah ka qaadin ganacsiyada ay ka midka yihiin shirkadaha xawilaadaha, Jaadka, iyo shirkadaha telefonada oo aan loo sameyn qaab-canshuureed hufan, laakin waxa jira qaab gacma-gacmaysi oo shirkadahaas looga qaado lacago la oran karo waa baad, oo ku dhaca gacanta mas’uulka wasaaradaas ay quseyso shirkadu, waxana ugu badan Wasaarada Maaliyadda iyo Wasaarada Boostada iyo War-Isgaarsiinta oo si joogto ah lacago uga qaada shirkadaha Telefonada. Lakin sida warbixinta ka muuqata dowladdu masoo gudbin canshuur ay ka qaaday shirkadaha telefonada.

Sidoo loo kala leeyahay shaqooyinka.
Wasaarada Maaliyadu waxay u xilsaaran tahay soo aruurinta lacagta, xisaabinta iyo u qeybinta lacagtaas wasaaradaha kale ee laga sugayo inay ugu adeegaan bulshada.
Bangiga Dhexe waa inay kusoo dhacdaa dhamaan lacagta kaash ka ah, meeshay doonto haka timaadee, sida dekadda, garoonka, shirkadaha, degmooyinka, gobolada iyo deeqaha dibadda. Waana in bangigu hayaa oo kala maareeyaa dowladda dhexe iyo dowladaha hoose.
Hanti-Dhowrka Guud, waa inuu xifdiyaa koobiga dhamaan dhaqdhaqaaqa xisaabaha baxa ama soo gala.
Xafiiska Xisaabiyaha Guud, waa inuu koontaroolo oo is barbardhigo kharashaadka iyo dakhliga dowladda ee ka baxaya ama soo galaya bangiga dhexe, isagoo isha ku haynaya miisaaniyad-sanadeedkii uu ansixiyay baarlamaanku. Laakin nasiib daro shaqooyinka kor ku xusan oo dhan waxa isku qabta hal, labo ama dhowr mas’uul oo iyaga ay kusoo dhacdo lacagto, kadibna siday rabaan ugu qeybiya hay’daha dowladda, kadibna intay rabaan iyagu ka qaata.

Hay’adda sameysay baaritaankan ayaa lagu magacaabaa PFMU Public Financial Management Unit, Waaxda Maamulka Dhaqaalaha Shacabka, waana hay’ad uu magacaabay Bangia Aduunku laguna ansixiyay howlgalkeeda shirkii London. Lakin nasiib daro hay’adaan waxa is hortaagay howlgalkeeda oo diiday inay saxiixaan warqadaheeda labada Shariif oo hada u eedaysan beesha caalamka, laguna hayo maanta shirqoolkii looga saari lahaa mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya. Laakin hay’addan oo ka socota Bangiga Aduunka howlgalkeedii way iska wadatay, waana tan hada soo bandhigtay natiijadii baaritaankeeda.
Gunaanadka warbixintu waxay qoraysaa in lacagaha canshuurta ah iyo deeqaha la rabay inay ku dhacaan hay’adaha iyo qasnadaha kore loo kala qeybsado sida soo socota.

Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’isal Wasaaraha, Wasiirka Maaliyadda, Bangiga Dhexe iyo Maamulaha Dekadda. Warbixinta ay dowladu soo gudbisayna waxay qoraysaa lacagta kusoo dhacday bangiga dhexe oo kaliya, mana sheegayso lacagaha ay kala qaateen madaxda kor ku xusan.

Waxaan hoos kusoo koobaynaa warbixinta dakhligii dowladu dhiibtay iyo warbixinta dakhliga baaritaanka hay’adda PFMU. Dowladda waxa u hadlaya OAG Office of the Accountant and Auditor General, xafiiska xisaabiyaha iyo hanti-dhowrka guud.

Waxyaabaha maqan:

Warbixintan waxa ka maqan arimo badan oo noqon kara hanti ka maqan shacabka oo ku maqan gacanta madaxda dowladda sida, sharciyeynta hantidii qaranka loo sharciyeeyay dad gaar ah iyagoo laga qaatay laaluush, sida sharciyeynta shirkadaha ajaanibta ah oo iyagana laga qaato laaluush sida shirkadda SKA, Saracen, Bancrof, iyo shirkadaha kale amaanka ka shaqeeya.

Waxyaabaha maqan waxa ka mid ah sharciyeynta shirkadaha kaluumeysiga, bixinta baasaboorada, shirkadaha xawilaada oo lagaco laga qaato. Sidoo kale waxan si cad loosoo bandhigin deeqaha wadamada dibada ka yimid ee ku dhacay gacanta dowladda.

Waxa kaloo aan halkan lagu sheegin dakhliga kasoo xarooda Isbaarada Ex-Koontarool Afgooye oo hay’addu ay ku qiyaastay Sh. So. 2,131,200,000 afar bilood oo ah Sept-Dec sannadkii 2009 oo u dhiganta $96,872.

Intaas ayaan kusoo koobnay tarjumaada oo Soomaali ah. Qofkii raba warbixinta oo English ah ha gujiyo link hoose ee guduudka ah ayna ku qoran tahay World Bankd Summary.

Halkaan ka Aqriso Report-ka oo Dhameystiran – Guji Halkaan

____________________________________
Wax Yar Akhri Wax Badan Ogoow
iftineducation Media Network
Admin@iftineducation.com